Published On: Thu, May 31st, 2018

Zidane ayaa qabtay shir Jaraa’id oo lama filaan ah iskana casilay xilka Kooxda Real Madrid

31 Maajo 2018.

 

Zidane ayaa qabtay shir Jaraa’id oo lama filaan ah oo aan horey loo qorsheyn isagoona ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Real Madrid labo sano iyo bar kaddib.

Macallinka reer France ayaa saddex jeer oo is xigta u gacan galiyay Champions League, sidoo kale La Liga.

Zidane ayaa sheegay “Waan jeclahay Real Madrid iyo madaxweynaha,waxaan go’aansaday inaanan sii wadi doonin tababaraha Real Madrid xilli adag”.

Macalinka reer France ayaa wuxuu si cad u sheegay in xili ciyaareedka xiga uusan leylin doonin wax koox ah, kadib Real Madrid.

“Ma tababari doono koox kasta xilli ciyaareedka soo socda, Kama wada hadli doono dalab kasta ee isoo gara si ay ila saxiixdaan”.

Zinedine ayaa ka mid noqday tababarayaasha ugu fiican taariikhda kubada cagta, isagoo ku guuleystay seddex jeer xiriir ah tartan Champions League ah uu la qaaday kooxda Real Madrid.

 ayuu la qaaday iyo waliba shan koob oo kale oo waa wayn.

Shirkii jaraa’id uu dhawaan qabtay ayaa waxaa ku wehliyay Madaxwaynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez kaa oo aad u naxay markii uu Zidane ku dhawaaqay inuu isaga tagay xilka tababaranimo.

Perez ayaa madaxa iyo afka gacanta saartay.

Perez said the decision was 'unexpected' as he looked dejected during the press conference at the Bernabeu on ThursdayPerez looked distraught during the press conference as Zidane announced the news that he would be leaving the club

Koobabka Zinedine Zidane uu la qaaday Real Madrid ayaa kala ah:

La Liga hal mar.

Super Cup-ka Spain hal mar.

Champions League 3-mar.

Super Cup-ka yurub 2-mar.

Koobka kooxaha adduunka 2-mar.

 

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved