![]() | ||
![]() |
Yaasiin Abuukar Cariif: Agaasimihii hore ee Mamulka Lacagta wasaaradii dhalinyarada iyo sportiga iyo Xoghayihii hore ee K/Cagta Halyeey Isboorti
Halyeeygaasna waa Mudane Yaasiin Abuukar Cariif Xoghayahii hore ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta., halyey Yaasiin Abuukar Cariif waxa uu dhadhaqaaqa Isboortiga ku soo biiray 34 sano ka hor sanadku markuu ahaa 1976, waxaana isla sanadkaasi markii la arkay firfircoonadiisa loo doortay in uu Noqdo Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee dabaasha, waxaana Yasiin waagaasi lagu xusuustaa in uu gaarsiiyey horumar la taaban karo Xiriirka Dabaasha iyago ka qeyb galay dhawr Tartan ee Caalami ah waxaana taa loo tiriyaa inay ku timid dadaalka uu Muujiyey Xoghayaha Xiriirka Dabaasha Mudane Yasiin Abuukar Cariif.
Sanadku markuu ahaa 1977 Yaasiin Abuukar Cariif waxa loo magacaabay Madaxa Laanta Labaad oo ay hoos imaanayeen Xiriirka Kubadda Koleyga, Xiriirka Kubadda Laliska iyo Xiriirka Dabaasha taa uu ku muteystay sida uu uga soo dhalaalay Xoghayanimadii lagu aaminay ee Xiriirka dabaasha.
Laga Bilaabo 1978 illa 1985 waxa uu xubin buuxda ka ahaa Guddigii qabanqaabadda ee tartamadii Goboladda oo ahaa tartamadii ugu qiirada badnaa, waxaana uu Yaasiin maamulkiisii hufnaa ee Ciyaaraha Goboladda uu ku helay abaalmarino badan oo bahweynta Isboortiga ay maanta ku xusuusato.
Halyeey Yaasiin markii uu muujiyey daacadnimo, isboorti jaceyl iyo karti uu ku maamuli karo qeybaha kala duwan ee Isboortiga, ayaa sanadku markuu ahaa 1986kii waxa loo doortay in uu xubin buuxda ka noqdo Guddiga Olambikadda Soomaaliyeed taasoo ay ugu hambalyeeyeen Mudane Yasiin Abuukar Cariif, halkaa uu mar kale laba jibaaray shaqadiisii ku aadaneyd horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed.
Halyeey Yaasiin Abukar Cariif isagoo ka faa`ideysanaayo wada shaqeynta dhexmartay isaga iyo guddigii Jaamacadda Carabta ayuu waxa uu bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu Isboortiga Soomaaliyeed ugu heli lahaa dhaqaale lagu hormariyo isagoo diiradda saaray in Magaaladda Muqdishu lagu qabto Shirka Wasiiradda carabta ee Jaamacadda carabta taa oo Yaasiin iyo asxaabtii kale oo la shaqeyneysay ay u suurowday halkaa shirkii Jaamacadda Carabta lagu qabtay Muqdishu sanadku markuu 1989, waxaana guushaasi wayn loo tiriyaa in uu saldhig u ahaa Mudane Yaasiin Abuukar Cariif.
Halyeey Yaasiin Abuukar Cariif waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanadii aadka uga xuma in dagaal sokeeye uu ka dhaco dalka Soomaaliya waxaana uu mar kastaba dadka ku wacigelin jiray in gacmaha la is qabsado, waxa kaloo Yaasiin uusan marnaba ka istaagin abaabulkii isboortiga isagoo hormuud u ahaa soo nooleyntii Ciyaaraha ee sanadkii 1994, waxa uu dhisay Guddigii Rajo soo celinta oo ay ka mid ahaayeen halyeyo kale oo maanta taariikh fiican ku leh Isboortiga, wuxuuna ahaa gudoomiyaha Farsamadda ee tartankii RAJO SOO CELINTA, tartankaasoo adduunyadda oo idil laga daawaday, waxaana markiiba uu Yaasiin iyo saaxiibadii ay awood u heleen in ay soo celiyaan aqoonsigii Isboortiga Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan, taa oo uu lafdhabar u ahaa Yaasiin Abuukar Cariif, waxaana arrinta ka abaalmarin doonta inta la socotay dadaalkiisa.
Halyeey Yaasiin Abuukar Cariif iyo saaxiibadii, markii ay ku guuleysteen in ay soo nooleeyaan Xiriiradi kala duwana iyo Guddigii Olambikada ayaa waxa Yaasiin Abuukar Cariif loo caleemo saaray in uu noqdo Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, waxaana illaa maanta la xusuustaa sida uu u gutay, isagoo awooday in kooxahii xulka Qaranka Soomaaliyeed mar kale ka qeyb geliyey tartamo caalami ah oo ay weliba guulo ay ka keeneen.
Sanadku markuu ahaa 1999 waxa uu ka qeyb galay Tartankii Kubadda Cagta ee Adduunka ee Gabdhaha ee lagu qabtay LOS ANGELES isagoo wata Calankii Soomaaliyeed, waxaana uu halkii kula kulmay halyeeyo caan ku ah Kubadda cagta oo uu ka mid yahay PELE IYO MICHEAL PLATINI iyo kuwa kale. isla sanadkii xigay 2000 waxa uu ka qeyb galay shirkii FIFA ee ZURICH lagu qabtay.
Xogyahii hore ee Kubadda cagta waxayaabaha lagu xusuusto oo taariikhda u gashay waxa ka mid ahaa in tartamadii la qabanaayey intii uu Xoghayaha ahaa uu u sameeyey Maamul aad iyo aad u heer sareeya oo ahaa in lacagaha soo gala garoonka loo qeybiyo kooxaha maalintaa ciyaaraayo oo la siinaayo 60%, inta soo hartana oo ah 40% loo qeybiyo nabadgelyadda iyo Guddiga Olambikada, taasoo maanta lagu xusuusto, waxa kaloo lagu xusuustaa Yaasiin iyo saaxiibadii in ay abaabuleen Tartankii SUPER CUP oo ay qalabeyntiisa qeyb wayn ka qaadan jirtay shirkaddii la oran jiray B.A.T.
Ugu dambeyntii waxaan Yaasiin Abuukar Cariif weydiinay madaama uu taarikhdaasi leeyahay waxa uu damacsan yahay madaama uu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah oo mudadaasi dheer Ummadda Soomaaliyeed u soo Shaqeeyey.
![]() Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar sheikh |
|