Published On: Wed, Jun 10th, 2015

XULKA QARANKA GABDHAHA KUBADDA KOLEYGA GUUL TAARIIKHI

arab22Xulka Qaranka Gabdhaha kubadda koleyga ee Soomaaliya oo si xarage leh uga badiyey xulka qaranka gabdhaha kubadda koleyga ee waddanka Qatar.

Kadib markii ay maanta iskaga horyimaadeen cayaar ka tirsan cayaaraha kubadda kolayga ee Jaamacadda Carabta ee ka socda waddanka Qatar. Cayaartaas oo ay wada sugayeen dhammaan Soomaalida ku nool waddanka Qadar, Waxaa dhammaan gegida Cayaarta soo buux dhaafshay Soomaali lagu qiyaasay dhawr boqol.

DAAWASHO WACAN





Waxay cayaarta noqotay mid aad u xiisa badan waxaana ka soo qayb galay guddoomiyaha olombiga waddanka Qatar Amiir Shiikh Sucuud bin Cabdiraxmaan Altaani, isagoo ah guddoomiyaha tartanka cayaarha carabta ee Dooxa

Waxaa kaloo ka mid ahaa madaxdaa wasiir ku xigeenka wasiirka shaqada iyo cayaaraha Daahir Xaaji Geelle, guddoomiyaha guddiga Olimbiga Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow(Wiish), Agaasimaha waaxda isboortiga ee wasaaradda shaqadda iyo cayaaraha Isaaq Xaashi Jimcaale.Guddoomiye ku-XSKK Maxamed Xaaji Jimcaale,Xoghayaha guud ee XSKK Siciid Faarax Ducaale.Madaxa Soomaaliya u qaabilsan tartanka jaamadda carabta ahna macalinka xulka qaranka wiilasha kubadda Cumar Cabdulqadir Baarajab

Cayaarta waxay noqotay mid xulka qaranka gabdhaha kubadda koleyga ee Soomaaliya guusha ku raacda iyagoo ku badiyey Soomaaliya 67 Qatar 57

Waxaa maanta dhammaan idaacadaha Al-Jazeera laga siidaayey sida wanaagsan oo ay Ciyaareen gabdhaha xulka soomaaliyeed.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved