![]() | |||||
|
Akhbaaraha |
Maqaalada Ciyaaraha |
Video |
Wareysi |
Quraan |
Contacts |
|
|
15 maj, 2011
Xafladi lagu xiray tartanka Olombikada Aduunka
![]() ![]() Waxaa xalay magaalada London lagu soo gaba gabeeyey tartanka ciyaaraha Olombikada Aduunka.
Xaflad socotay sadex saacadood oo lagu soo bandhigay mehrajaano, suugaan iyo qudbooyin ayaa si rasmi ah shuclada Olombikada loogu wareejiyey magaalada xigi doonta martigelinta oo ah Rio de Janeiro, Brazil. Dadki caanka ahaa ee ka qeybgalay heesaha madadaalada xaflada ayaa waxaa ka mid ah fanaaniinta heesaha Pop-ka ugu caansan Ingiriiska sida Spice Girls, George Michael iyo Elbow. Madaxii ciyaaraha London Lord Coe oo hadal kooban ka jeediyey masraxa ayaa in ay si nabad leh ugu soo gaba gaboobeen isaga oo sheegay in Britain ay si sax ah u qabatay tartankan. Calanka rasmiga ah ee Olombikada ayaa munaasabada dhexdeeda lagu siiyey duqa magaalada Rio halkaas oo ay joogeen wakiilo badan oo ka socday dalka Brazil. Gudoomiyaha Gudiga Caalamiga ah ee Olombikada Aduunk, Jacques Rogge, oo soo xiray ciyaarihi Olombikada London ayaa sheegay in aysan halmaami doonin marti gelinti loogu sameeyey London. Soomaaliya ayaa tartankan waxaa uga qeybgalay Maxamed Xasan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Faarax, balse wax bilad ah kuma aysan soo guuleysan, laki Maxamed Faarax oo u dhashay Somali ayaa ku guuleystay labo biladood oo dahab ah,waana wax lagu faani karo guushaas oo uu keenay waxay soo jiidatay dhamaan ummada Soomaaliyeed oo dhan baa aad ugu faraxday. Cayaarahadunida.com |
| |||
| page 2 | page 3 | page 4 | page 5 | page 6 | page 7 | page 8 | page 9 | page10 |