Published On: Sun, Dec 10th, 2017

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo Go’aan ka soo saaray dacwada lambarka 9’aad ee gobolka Banaadir.

11 12 2017

Xariirka Kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay  ugu hadleen arinta xiddiga lambarka 9-aad ee gobolka Banaadir Abdimajid Cusmaan Ibraahim.

Juballand ayaa dhawaan soo saartay warqad ka dhan ah xiddiga Abdimajid oo ay ku sheegayaan in uu yahay xiddig aan u dhalan dalka Soomaaliya.

War saxaafadeedka ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo  uu ku saxiixnaa Xoghaye Xasan Fareey ayaa lagu sheegay in Abdimajid Cusmaan Ibraahim uu yahay mu waadin Soomaali ah uuna xaq u leeyahay in uu ciyaaro tartan walba oo dalka ka dhaca.

 

Xeerka tartanka maamul goboleedyada qodobka 1 aad farqadda 1.7 ayaa ah mid qeexaya in xiddig ajinabi ah uusan ka qeyb qaadan Karin tartanka, waxaana xiriirka ay sheegeen in ay hubiyeen jinsiyadda ciyaaryahanka,magaciisa iyo kan hooyadiis.

Sikastaba gobolka Banaadir ayaa lagu war galliyay in ay ciyaarsiin karaan xiddiga Abdimajid,kaa soo muran la galiyay halka uu ka soo jeedo.

25158217_1952038765049810_5479138794061382354_n

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved