Published On: Sat, Sep 9th, 2017

Waxaa Caawa Garoonka Koonis Lagu Soo Gaba-gabeeyey Ciyaartii Finaalaha la wada sugaayey+Daawo

September 8, 2017

Waxaa caawa garoonka kubada cagta Koonis ee magaalada Muqdisho ka dhacday ciyaar aad u xiiso badan oo Fiinal aheed, ciyaartan ayaana aheyd midii ugu horeesay oo mudo 30-sano kadib lagu ciyaaro Garoonka Koonis si toos ahna loo daawado.

Ciyaarta Fiinalka oo katirsaneed koobka Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa wada ciyaarayay Degmooyinka Hodan iyo Waabari, waxaana ugu dambeyn koobkii loo tartmayay ku guuleesatay Degmada Waabari.

Ciyaartowdii mataleysay Degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa kaga guuleestay dhigooda Hodan 3-gool iyo 1, waxaana Waabari koobka qaaday kadib guul daro ay la kulantay labadii Fiinal ee ugu dambeeyay ee tartrankan ciyaartay.

Waxaa garoonka Kubada Cagta Koonis caawa ciyaarta u daawasho tagay kumanaan qof oo si weyn ciyaaraha u xiiseeya gaar ahaan taageerayaasha labada degmo ee caawa wada ciyaarayay fiinalka koobka Degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciyaartan ayaa sidoo kale si toos ah looga daawanayay daafaha Dunida iyadoo ay tabinayeen telefishinada dalka, waxaana caawa dad badan daawadeen muuqaal muujinaya in magaalada Muqdisho nabad tahay uuna ka jiro hurumar baaxad weyn.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved