|
WARAYSIGA XIDDIGAHA K /KOLAYGA (MACALIN SHIINO GUHADAD)

Bogga Cayaarahadunida baadi goobka Taariikhda xidigahaK/Kolayga waxaan maanta ku soo qaadan doonaa mid ka mid ahaa legends-ka ama laacibiintii magaca wayn ku yeeshay cayaarta kubadda kolayga oo weliba ay u dheer tahay macalin nimo heer Qaran ah. kaas oo magaciisu yahay C/rahmaan Mahamud Guhaad, oo bulshada isboortigu ay ugu yeeraan (Shiino Guhaad).

Macalin Shiino, wuxuu u cayaari jiray naadigii kubadda kolayga Wakaaladda Ganacsiga Ummadda (ENC), sidoo kale waxa uu ahaa tababarayaasha Soomaaliyeed ee marka magacooda la sheego, aad horay muuqiisa ka soo qabanaysid. Gabdhihii magaca fiican ku yeeshay qarankii Soomaaliyeed ayaa badankoodu ahaa kuwa uu asagu soo layliyay.
Macalin Shiino, hadii aan taariikh nololeedkiisa gudo galno, waxa uu ku dhashay magaalada B/Burte 1957-dii, waxuuna waxbarashda ku bilaabay isla magaaladaas oo uu ku dhigtay ilaa iyo dugsiga dhexe fasalka todobaad, kedib wuxuu u soo wareegay Xamar oo uu ku dhigtay fasalka sideedaad. Waxbarashada Dugsiga sarre wuxuu ka dhamaystay dugsiga 15 May ee ku yiil degmada Wardhiigleey ee Xamar sanadii1979-kii.



Waraysigeena ayaa ku biloowday sida tan:Cayaarahadunida: Macalin Shiino, marka hore soo dhawoow, waadna ku mahadsan tahay, fursad qiimaha leh oo aad ii siisay in aan wax kaa waydiino taariikh nololeedkaada. Hadaan su'aashayda ku biloowdo:


CAYAARAHADUNIDA: Goorma, ayaad billowday ciyaaraha ? Yaase kugu dhiirrigaliyay ?
SHIINO:Waxaan bilaabay ciyaaraha anigoo yar, waxaana ka bilaabay magaalada aan ku dhashay ee [B/Burte] waxaan ciyaari jiray kubadda cagta oo waxaan ahaa goolhaye [Goolkeper] sidoo kale waxaan ciyaari jiray kubadda laliska. Waxaana igu dhiiri geliyay saaxiibkey [Cabdirahman Faarah Karaama]
Cayaarahadunida: Heer noocee ah ayaad ku billowday ciyaaraha ? Mase jireen noocyo kale oo ciyaareed oo ka duwan kubbadda kolayga oo aad ka qayb-qaadatay?
Waxaan ku bilaabay ciyaaraha, ciyaarta kubadda cagta, waxaa iigu xigtay kubadda laliska iyo kubadda kolayga.



Cayaarahadunida Ma ka qayb-gashay tartammadii ciyaaraha degmooyinka ama gobollada oo aan oran karo qaasatan kuwa gobollada wuu ka xammaasad badnaa tartammadii ciyaaraha heerka 1-aad ?
Hadaan ku hor maro anoo xasuustayda dib u raacayo, waxaan xasuustaa in aan marka hore u dheelay dugsigii hoose/dhexe ee H/Wadaag 1973. Kadibna ka qeyb galay ciyaarahii degmooyinka Xamar 1974-tii waxaana u dheelay degmada Hodon oo aan markaas degenaa.
Sidoo kale waxaan ka qeyb galay ciyaarihii gobolada sannadkii 1972 anoo u cayaarayay kubadda cagta, ahaana goolhaye (Goal keeper) una ahaa gobolka Hiiraan, waxaan kaloo u cayaaray kubadda laliska. Sidaad ka warqabtidba, waxaa sanad wlba la qabanjiray labo jeer sanooyinkii kal ahaa [1972, 1973, 1974]


Cayaarahadunida : Intaadan u soo safan, ciyaaraha heerka 1aad , ma jireen kooxo kale oo aad u soo ciyaartay?
Naadiga markaan bilaabay ciyaarta kubadda kolayga ee heerka koowaad, waxaan u ciyaaray oo kaliya wakaaladda ganacsiga ummadda [ENC] naadigaas waxaan joogay ilaa aan ka noqdo tababare heer naadi iyo heer qaranba.



Cayaarahadunida: Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii xusuusta gaarka ah kuugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha guud ahaanba?
Mudadii aan u dheelaayay naadiga wakaaladda ganacsiga ummadda. Marka hore waxaan aheen, dhlinyaro isjecl oo wada shaqeynjirtay oo waxaa nala dhihijiray walaalaha isjecl. Waxaan iigu farxad badneed markii aan u safanay ama aan ka mid naqonay labadii kooxood ee u safato koobkii kama danbesta ama [Final] ee horyaalka kubadda kolayga sanadkii 1979-kii oo aan meeshaas ka galnay kaalinta labaad.
Cayaarahadunida: Yaa kaalinta Koowaad idinkaaga guulaystay ?
Waxaa kaalinta koowaad naga gashay kooxda Badda, waxaana weli xasuustaa anagoo hal dhibic ka horeyno oo waqtiguna dhamaaday ayaa aaqiru saac gol naga dhaliyay ciyaartoyga la yiraahdo Nuura DIIN Ali Saciid.
Cayaarahadunida: Muddadii aad u safanayd Kooxdaada, Wax guulo ah oo aad gaarteen ma jireen?
Waxaan ku goolaeysanay labo koob oo munaasabado iyo sidaan horay-ba kuugu sheegay mar aan galnay kaalinta labaad ee koobkii horyaalka 1979.
Cayaarahadunida: Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka Qaran ?
Waxaan ku biiray ciyaarta kubada kolayga iyo laliska-ba heerka qaran sanadii 1974.
Cayaarahadunida: Kooxahii aad la ciyaartay ciyaaraha caalamiga ah wax ma ka xusi kartaa?
Waxaan ka qayb galay ciyaarihii heer Qaran dhoor sano, wadamadii aan la ciyaarnayna waxay kala ahaayeen, sanadii:
1975 oo aan la yeelanay dalka Liibiya ciyaarahii [All Arab Games].
1976 ciyaar saaxiibtinimo oo aan la yeelanay dalka Maser.
1977 waxaan la ciyaarnay xulka dalka Ciraaq.
1977 waxaa kale oo aan ku ciyaarnay Masar magaalada [Porto-Said] ciyaarihii Jouniar-ka Afrika, taas oo xusuus gaar ah ii lahayd, waayo waxaa leygaaga soo jabiyay ilkaha.
1978 waxaa wadanka kula ciyaarnay koox ka timid wadanka [U.S.A] oo la magac baxday [Patriots] oo ka socotay dugsiyada ama collage- ka [U.S.A.] waxaana kula ciyaarnay magaalada Kismaayo ee Soomaaliya.
1980 waxaan u aadnay wadanka Moroco, ciyaarihii [All African Games].
Cayaarahadunida: Sanadii 1977 Waxaad noo sheegtay in Ilkaha lagaaga jabiyay, wax ma kaa waydiin karnaa sida ay arintu u dhacday ?
Haa, cayaartaas waxaan la cayaatraynay koox ka socotay Central Africa, Ciyaartooy watay nombarka 6aad oo ka ciyaarayay post ama centre ayaan u booday in aan Repound qabto, markii aan kubadda lasoo dagaayay intaanan dhulka soo deign ayuu feer labadayda gacan inta u dhaxaysay ka soo saaray oo uu seddex illeg iga dhaawacay.
Cayaarahadunida: Ma xusuusan kartaa guuldarradii kuugu xumayd ee ku soo marta intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha kubbadda kolayga guud ahaanba?
Waxaa iigu xumeed ciyaar aan la dheelnay sanadku markuu ahaa 1975 xulka dalka Liibiya, oo aan u soo baxeynay kaalinta kama danbeysta ee ciyaarahii [All Arab Games] oo aan galnay kaalinta seddaxaad.
Cayaarahadunida: Farxaddii kuugu waynayd maxay ahayd intaad ku dhex jirtay ciyaaraha kubadda?
Waxaa iigu farxad badneyd labo jeer oo kala ah: Koow mar ay gabdhaha kubadda kolayga [ENC] oo aan tababare u ahaa ay yimaadeen kaalinta kama danbeeysta ah ee horiyaalka kubada kolayga, waxaan la ciyaareynay gabdhaha kooxda Somalita runtii anigoon u amaaneynin oo ay joogaan rag iyo dumar goob joog ahaa sida aan xasuusto waxaa ciyaarta ka haray wax ka yar daqiiqad waxayna naga horeeyeen todobo dhibcood, waxaan si fiican kooxdii ugu ciyaareen ciyaarta qof ka qof (man to man) waxaana dhacday in ay ciyaartii ku dhamaato Barbaro, sida caadada ah na waxaa lagu daray [Shan daqiiqo oo dheeraad ah] waxaana ku badinay lix dhibcood, waxaa qaadan waayay taageera yaashii u heystay in ay badiyeen kooxdii kale waxaana laga daba geeyay in ay badisay kooxdii naadiga ganacsiga [ENC].
Ciyaartii kale, ee mudan in la xusuusto waa ciyaar aan la ciyaarnay kooxda Muqdisho koobkii General Daa’uud. Anagoo wada ciyaarnay afar jeer oo isku xigta seddax jeer waxaan ku ciyaarnay garoonkii ahaa 21-ka October [Lujino] ciyaartii kama danbestane waxaan ku ciyaarnay garoonkii kubadda kolayga ee Stadium Mogadishu.
Waxaana kooxdii gabdhaha kubadda kolayga ee Wakeelada Ganacsiga Ummadda [ENC] ay ku guuleysatay kaalinta koowaad ee koobkii General Da’uud.
Ciyaaryahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan markaad u ciyaaraysay kooxdaada iyo xulka qarankaba ?
Ciyaaryahanadii aan ugu jeclaa markaan u ciyaarijiyay naadiga Wakaaladda Ganacsiga Ummadda waxaay kale ahaa yeen:
- Muuse Faarah
- Abdirahmaan Saalax Abdi [Matiito]
- Ahmed Daahir Ahmed
- Abdirizaaq Mohamud Ali [Zuzow]
Cayaarahadunida: Waqtigaan u ciyaarijiray kooxda Qaranka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga waxaan ka xusi
karaa



Ma jireen Guulo Gaar ahaaneed oo aad ciyaaraha ka gaartay?
Guulaha aan ka gaaray waxaa ka mid ahaa marka hore, waxaan ahaa nin u ciyaari jiray kooxda xulka qaranka Somaliyeed ee kubadda kolayga 1974-tii ilaa iyo 1980-kii. Mida kale waxaan noqday tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee gabdhaha kubadda kolayga 1984 ilaa iyo1989-kii.
Hadaan afkayga been ka reebo, anoo is faaninaynin waxaan ahaa macalimiinta Soomaaliya soo maray ninka ugu koob qaadista badnaa intii uu macalinka ahaa, koobabkii aan qaadayna waxaan ka xusi karaa:
Lix jeer ayaan qaadnay koobka Horyaalka dalka, afar jeerna waxaan galnay kaalinta Labaad ee horyaalka. Waxaa kale ee aan ku guuleeystay shan jeer koobka General Daa’uud. Afarjeerna waxaan galnay kaalinta laabad. Waxaan kale ee aan la soo koobi karin koobabka munaasabadaha aan ku guulaysanay.
Ma jireen kooxo dibadda ah oo aad u ciyaartay ?
Majirto koox dibada aan u dheelay.
Ma jireen Tababaro macalin nimo, aad qaadatay shahaado ? Sanadkee inteese ?



|
Qualifications |
|
|
|
|
Name of Certificate |
Year |
|
|
German Olympic Committee and Somali Olympic Committee - Mogadishu |
1974 |
|
|
International Basketball Coaching Certificate |
1977 |
|
|
Volleyball Coaching Certificate - Mogadishu |
1977 |
|
|
Basketball Coaching Certificate - Mogadishu |
1979 |
|
|
Basketball Coaching Course - Mogadishu |
1981 |
|
|
Basketball Coaching Certificate - Mogadishu |
1982 |
|
|
Basketball Coaching License - Mogadishu |
1983 |
|
|
Basketball Coaching Clinic - Mogadishu |
1985 |
|
|
German Olympic Committee and Somali Olympic Committee - Mogadishu |
1985 |
|
|
International Basketball Coaching Certificate - Kenya |
1986 |
|
|
Certificate of Participation of All African Games - Mogadishu |
1986 |
|
|
International Certificate of Sports Leadership IOC - Mogadishu |
1988 |
|
|
International Certificate of Basketball Coaching - Italy |
1989 |
|
Macalimiintii kale ee kula ahaa macalin-nimada kooxaha ama Qarankaba, hadii la is waydiiyo in mid laga dhax xusho, keebaad is leedahay, waxoogaa waa uu ka horeeyay
kuwa kale. Maxaadse is leedahay wuu ku gaaray horumarkaas ?
Laba qof ayaan is dhihi karaa, nin wuxuu ahaa Ajnabi waa Art Dural, oo isku darsaday macalin nimo iyo in uu badankeena na tababari macalin nimada.
Ninka labaad waa axmed carab, waxaana taas u leeyahay waxaan xasuustaa iyadoo kooxda ENC sanadii 1975 oo ahayd kooxaha uga tabarta yar dalka in uu noo yimid, muddo gaabana naga mid dhigay kooxihii ugu gacanta sareeyay dalka asagoon wax cayaaryahanao kale dibada ka kaysanin.

Cayaarahadunida: Goorma, ayaad ka soo tagtay wadankii Soomaaliyeed ? Sababtuse maxay ahayd ?
Waxaan ka soo tagay wadanka Soomaaliya 09 Juun 1989-kii. Sababtoo ahayd in aan u soo baxay waxbarasho ku saabsan dhanka isboortiga anagoo soo qaadaneynay shahaado caalami ah ee kubadday kolayga, waxaana soo aadnay dalka Talyaaniga magaalada layiraahdo [Mounte-Catini] siminaarkaas waxuu soconaayay mudo 7 maalmood ah. Waxaa tababrkaas bixinaayay tababre caan ah, ee ka socday dalka [U.S.A.] oo la yiraahdo Dig-Mote, kaas oo ku caanbaxay ciyaarta kubadda kolayga.
Marka aad dib u fiiriso ciyaarihii Soomaaliya iyo ciyaaraha aad haatan qurbaha ku aragtay maxaa farqi ah oo u dhaxeeya ?
Su’aashaadu waa su’aal muhim ah. Markaan dib u xasuusto waxtigii aan ciyaarijirnay waxaan aheen arday marka hore oo subaxii waxaan aadijurnay dugsiya deena galabtiina tababar ayaan aadijirnay oo waxaan aheen dhalin yaro u daacad ah ciyaaraha, oo waxuu qof kasto tiig sanaayay in uu ka mid noqdo xulka qaranka oo waxaan aheen ama u ciyaarijiay [Provitional] oo waa nalala xisaabtamijaray. Waxaana aheed dad farsamadoodo aad u sarysay Aqlaaq fiican maqlijiray macalimiintooda hadase waxaanu arganay dhalinyaro aqlaaq daran maqleynin macalinkooda ka dhamaatay shraftii iyo maamuuskii ciyaaraha. Tabar ahaan liita tayadoodu yartahay. Waa jiraan dhalin yaro fiican oo aqlaaq leh laakiin waa yar yihiin.
Muddadii aad joogtay dalka Soomaaliya iyo haatan oo aad dibadda joogto, ma jiraan kooxo aad soo laylisay ?
Waxaan tababare u ahaa naadiga wakaaladda ganacsiga ummadda [ENC] iyo xulka qaran ka Soomaaliyeed sidaanba horay kuugu soo sheegay. Waxaa kale ee aan tababare u soo noqday gobolka hiiraan sanooyinkii 1982 iyo 1983 gabdhaha iyo wiilasha kubadda kolayga ee gobolka hiiraan waxaana ku guu leystay kaalinta koowaad ee ciyaarta kubadda kolayga ee ciyaaraha gobolada 1982KII
Sidee bay ahayd aqoonta tababarayaasha iyo garsoorayaasha Soomaaliyeed?
Markaan ka hadlo tababarayaasha Soomaaliyeed waxaay ahaa yeen heer sare taasna waxay ku tuseysay in ay kooxaha kubadda kolayga ay aad u adkaa yeen oo waxaay la socdeen isbadalka tababararyaasha aduunka oo waxaan qaadanjirnay tababar sanadkiiba laba jeer isla markaasna qaarkood dibada ayaa tababar lagu soo siinjiray. Ayadoo loo kale baxsanaa heer caalami heerka koowaad heerka labaad iyo heerka seddexaad ba. Tan garsoorayaasha Soomaaliyeed ee kubadda kolyga sidoo kale waxay ahaayeed garsoorayaal aqoontoodu aad iyo aad u sareyso sida tababarayaasha ayeey sibada ku soo qaadanjireen tababar. Waxaan ku badnaa garsoorayaasha caalmi sida:
-
Osman Mohamud Xalane
-
Hassan Gare
-
Cabdi Calsow Rqaage
-
Mohamed Haji Ali
-
Mohamed Aden Jeele
Iyo kuwo aan soo koobikarin
Sanadii 2008 waxaa London lagu doortay, Golo maamul kubadda kolayga ah, oo la magac baxay SSIFO oo u taagan (Somali Sports & International Friendship Organization). Kaas oo kulminayay dhamaan bahda kubadda kolayga. Yeey fikradiisa ahayd ? Maxaase loogu talagay samaynta ururkaas ayaad is leedahay ?
Aas aaska ururka SSIFO, waxaa lahaa reer London oo waqt geliyay, ayagoo gurigoogada ugutagay reer Canada, America iyo Sweden, ayagoo war gelinayay fikirka wanaagsan ee midnimada lagu gaari karo, ayagoo ay u riyaaqeen walaalahooda wadamada kor kuxusun, kuna balameen in la iskugu yimaado London 2008, si ururkii loo sharciyeeyo.
Waxaan filayaa in aad ururka ka ahayd Gudoomiye ku xigeen, si qaas ahna laguugu xil saaray dhinaca xiriirinta ururka iyo Xiriirka Guud ee Kubbadda Kolayga. Arintaasi maxaa idiinkaaga hirgalay?
Waan isku
Cayaarahaduniga:Sidee baad is leedahay waa lagu horumarin karaa Isboortiga Soomaaliyeed noocuu doono ha ahaadee ?
Waxay ila tahay in isportiga soomaaliya lagu horumarin karo in daacad loo ahaado maamulaka isportiga lagana sheqeeyo harumarinta isportiga wadanka iyo dibadaba waa in leysku darsado fikradaha lagu maamuli lahaa guud ahaan dibadda iyo gudaha. Waxaa moodaa in xiriirada ay gaar gaar u shaqeeyaan ayagoo aan lala tashanin ciyaartooydii hore ,garsoorayaashii hore, taageera yaashii hore iyo ragii horay u soo maamuli jiray.hanoqdaano madaxdii wasaaradda isportiga ama maamula yaashii naadiyada. Waxay ila tahay haddii raggaas oo idil lagu daro tashiga ispoortiga Soomaaliyeed in uu horumar gaari lahaa.


Ugu dambayn maadaama aad ahayd ciyaartooy qiimo ku lahaa kooxdiisa ama Qaranka Soomaaliyeed muddo dheerna ku soo dhex jiray ciyaaraha, Maxaad talo ahaan ugu soo jeedinaysaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan Isboortiga noocyadiisa kala duwan, dalka gudihiisa ama dibidiisa midba?
Waxaan tallo ugu soo jeedin lahaa dhalinyarada wadanka gudahiisa iyo dibadiisa joogto in ay noqdaan kuwo ku fikira sidii ay wadankooda wax u tari lahaayeen, oo tiigsado in ay noqdaan ciyaartooy heer caalami. Wadankeenu caan ayuu ka ahaa xagga kubadda kolayga haday noqon lahayd Afrika , Carabta iyo Aduunka intiisa kale. In ay qayb ka qaataan sidii ay sumcadaas ku soo celin lahaayeen.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh
Cayaarahadunida.com
Mamushe124@hotmail.com
|