Published On: Wed, Feb 14th, 2018

WAR CUSUB: Coutinho oo sabab la yaab leh darteed u qaadanaya dhalashada dalka Portugal.

 13 02 2018 

Philippe Coutinho ayaa sabab la yaab leh darteed u qaadanaya passport-ka Portuguese-ka sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Coutinho ayaa ka soo jeeda dalka Brazil, balse wuxuu qaadan karaa dhalashada dalka Portugal maadama xaaskiisa Aine ay tahay Portuguese.

Barcelona ayaa ka danbaysa fikirka ah in Philippe Coutinho uu qaato dhalashada Portugal, maadama kooxaha Spain aan loo ogolayn inay la soo saxiixdaan wax ka badan 3-laacib oo ka baxsan qaarada yurub.

Image result for Ronaldo portugueses Passport

3-daas boos ayaana haatan ka buuxda Barcelona, waxayna haysataa Coutinho, Paulinho iyo Yerry Mina, awoodna uma lahan inay soo qaadato laacib kale oo dhalasho ahaan ka baxsan qaarada yurub.

Si Coutinho uu fursad u siiyo kooxdiisa Barcelona ayuu u qaadanayaa dhalashada Portugal, wuxuuna sidaas uga mid noqonayaa ciyaartoyda ka soo jeeda qaarada yurub taas oo fursad u siinaysa Barca inay soo qaadato laacibka qadka dhexe ee Arthur kaas oo u ciyaara kooxda Gremio.

Philippe Coutinho ma ahan laacibkii ugu horeeyay ee Barcelona darteed u qaata passort-ka yurub, waxaa sidaan oo kale sameeyay Luis Suarez kaas oo xaaskiisa Sofia Balbi madaxeeda ku helay dhalashada Talyaaniga.

Image result for Coutinho his wife

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved