Published On: Thu, Apr 23rd, 2015

Wakiilka Pogba Oo Ka Dhawaajiyay In Xidigan Xagaagan Ay Kooxdiisa Juve Iibin Doonto

Pogba223 04 2015

Wakiilka misaanka culus Mino Raiola ayaa sheegay in macmiilkiisa Paul Pogba uu xagaagan kooxdiisa Juventus isaga hayaami doono.

Mino Raiola ayaa ka dhawaajiyay in kooxo badan ay laacibka reer France ku raad joogaan sidaa darteed Juventus waxay ka faa’iideesan doontaa lacagaha heerka sare ee diyaarka loola yahay.

Mino Raiola oo la hadlaayay La Stampa wuxuu yiri “Tan iyo bilawgii xili cayaareedkan in ka badan 2000 oo taleefon ayaa la iga soo wacay, taasi waxay ka dhigan in maalin walbo 20-taleefon ayaan ka jawaabo”

“Dabcan fariimahaas dhamaan waxay ku aadan yihiin sidii Paul Pogba xagaagan aan Juventus uga soo wadi lahaa”

“Juve heshiis 5-sano ah ayaan dhawaan u saxiixnay balse midaas waa aragti aan isku raacnay, hadii dalab sax ah miiska lasoo saaro laba dhinac raali ayay ku yihiin in laga faa’iideesto”

“Sidaa darteed waxaan inta badan rajeynaa in Pogba wixii ka dambeeyo xili cayaareedkan uusan Juventus kasii mid ahaan doonin”

“Pogba wuxuu ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan waana laacib u qalmo in lagu iibsado qiimo aad u sareeyo”

Xidigan dhalinta yar kooxo badan ayaa ku raad joogaansida Man United, Chelsea, Barcelona, PSG, Man City iyo kuwo kale.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved