Published On: Mon, May 28th, 2018

Unai Emery oo loomagacaabay Macallinka Arsenal.

28 05 2018

Tan iyo markii uu Arsenal ka dhaqaaqay Arsene Wenger, dhowr macallin ayaa ahaa kuwa marba loo saadaaliyo kooxda Gunners inay qabtaan, balse waxaa ay maamulka Arsenal u magacaabeen macallinkooda cusub tababarihii hore ee kooxaha Valencia, Sevilla iyo PSG ee Unai Emery.

War rasmi ah oo ay soo saartay kooxda Arsenal ayaa waxaa lagu shaaciyaya in macallinka Spanish-ka ah uu noqon doono macallinka xiga ee maamuli doono kooxda Arsenal.

Emre ayaa qalinka ku duugay heshiis sedex sano ah sidoo kalena sanad walbo wuxuu garoonka Emirates ka qaadan doonaa 5-milyan oo pound.

Emre ayaa u taalo shaqo culus madaama uu buuxin doono booska Arsene Wenger oo mudo 22-sano ah Arsenal maamulayay.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved