Published On: Mon, Apr 2nd, 2018

Tottenham guul taariikhi ah ay ka gaartay Chelsea +SAWIRRO.

02 04 2018

Tottenham ayaa caawa ka gaartay Chelsea guul taariikhda u gashay taas oo ay ugu danbaysay 1990-kii, waxayna uga adkaatay 1-3.

30-daqiiqo, Alvaro Morata ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Chelsea kadib markii uu madaxeeyay karoos uu ka helay Victor Moses, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-0.

 Christian Eriksen unleashed a stunning long distance strike to find an equaliser

Ciyaartoyda Tottenham ayaa bixiyay dadaal badan si ay u soo barbareeyaan goolka, laakiin waxay la kulmeen difaac adag oo dhanka Chelsea ah.

Dhamaadka qaybtii hore, Christian Eriksen ayaa darbad xoogan oo uu banaanka ka soo laaday dhex dhigay shabaqa Chelsea, wuxuuna ka dhigay ciyaarta barbaro 1-1 ah, sidaas ayaana lagu kala nastay.

 Dele Alli scored a wonderful second goal to fire Tottenham ahead

Qaybtii labaad, Ciyaartoyda kooxda Tottenham ayaa sii waday weerarka ay ku haayeen shabaqa kooxda Blues.

62-daqiiqo, Dele Alli ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu qadka dhexe ka soo laaday Eric Dier, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-2.

 Dele Alli took full advantage of Chelsea's calamitous defending to score Tottenham's third

66-daqiiqo, isla Dele Alli ayaa sii quusiyay Blues kadib markii uu ka faa’idaystay qalad ay sameeyeen daafaca Chelsea iyo goolhaye Willy Caballero, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-3.

Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 1-3 oo ay guushu ku raacday Tottenham oo ka saramartay Chelsea 8-dhibic oo nadiif ah.

 It was Tottenham's first win at Stamford Bridge in 31 matches in all competitions The Danish international celebrates following his wonderful effort on the stroke of half time Eriksens' dipping effort was too much for Willy Caballero, standing in for the injured Thibaut Courtois Hugo Lloris' error in the first half allowed Alvaro Morata to take full advantage and head Chelsea in front The Spaniard celebrated scoring his seventh headed goal of the season Tottenham fans went wild in the stand as they recorded a rare victory at Stamford Bridge Defeat against Tottenham could push Antonio Conte closer to the exit door at Chelsea

Gool FM

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved