Published On: Fri, Apr 24th, 2015

Thiago Alcantara Oo Doonaya Inay Barcelona Ku Guulaysato Champions Leaque-ga Haddii ay Kooxdiisa Bayern Munch Ku Guuldaraysato

Thiago124 04 2015

Xidigii hore ee kooxda Barcelona ee Thiago Alcantara ayaa doonaya in ay Barcelona ku Guulaysato Champions Leaque-ga haddii ay kooxdiisa Bayern Munch Ku Guuldaraysato inay hanato horyaalka Yurub.

Laba kulan oo xiiso badan ayaa Barcelona iyo Bayern Munich ku dhexmari doona Allianz Arena iyo Camp Nou, waxaana kulamadan iskaga hor iman odoona labada xidig ee walaalaha ah ee Thiago Alcantara iyo Rafinha Alcantara.

Kulamada Barcelon iyo Bayern Munich ayaa soo kicin doona xusooso kala duwan, waxaana markii ugu horaysay Camp Nou kulan ugu soo laaban doono Pep Guardiola iyo Thiago Alcantara oo hore Barcelona uga soo tirsanaan jiray.

Kadib markii la soo saaray isku aadka Champions Leaque-ga wareegiysa afar dhamaadka ayuu Thiago ka hadlay wuxuuna yidhi: “Kulamada afar dhamaadku xaqiiqdii isku mid ayay noqon doonaan, waxaana iskugu soo hadhay afarta kooxood ee aduunka ugu fiican”.

Bayern Munich ayaa afar dhamaadka Champions Leaque-ga u soo baxday iyada oo ay ciyaartoy badan oo muhiim ahi ka maqnaayeen, laakiin kulankii lugta danbe ayay xasuuq wayn u gaysteen kooxda Porto oo kulankii hore guudaro soo baday.

Thiago oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi: “Anaga awood ayay nasiisay inaanu afar dhamaadka champions Leaque-ga soo gaadhno, iyada oo ay ciyaartoy badan oo muhiim ahi naga maqnaayeen, laakiin waanu tawanay ciyaartoyda naga maqnayd”.

Thiago oo kulanka Barcelona ka hadlaya ayaa yidhi: “In aanu la ciyaarno Barcelona waa wax khaas ah, laakiin saddexda kooxood ee kaleba waa kuwo adag in lala ciyaaraa.Anigu waxaan ahay ciyaartoy Bayern Munich ah, waxaanan doonayaa inaan koobka ku guulaysto, laakiin haddii aanu ku guulaysan kari wayno, waxaan rajaynayaa in walaalkay iyo Barcelona ay Champions Leaque-ga ku guulaystaan”.

Thiago ayaa muddo sanad ah dhaawac garoomada kaga maqnaa laakiin markii uu soo laabtayba kooxdiisa ayuu saamayn wayn ku yeeshay isaga oo labadii kulan ee Porto min hal gool udhaliyay.Bayern Munich ayay wali ciyaartoy muhiim ahi ka maqan yihiin laakiin waxay rajaynayaa inu soo laabtaaan ka hor kulan Barcelona.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved