Published On: Wed, Apr 22nd, 2015

Tababaraha Argentina Ee Gerard Martino Oo Sheegay In Aanu Halis Galin Doonin Lionel Messi Kulanka Ay Argentina La Ciyaari Doonto Xulka Qaranka Ecuador.

Martino22 04 2015

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Gerard Martino ayaa sheegay in aanu halis galin doonin Lionel Messi marka uu xulka qarankiisa Argentina kulanka saaxiibtinimo la ciyaarayso xulka qaranka qaranka Ecuador.

Tabababare Martino ayaa sheegay inuu ilaa waqtiga ugu danbeeya sugi doono haddii uu messi taam u yahay kulanka ay Argentina New Jersey kula ciyaari doonto Ecuador.

Martino ayaa yidhi: “Anagu ma doonayno inaanu halis galino Lionel Messi.Haddii ay sii socoto ma ciyaari doono, sababtoo ah waxaanu doonaynaa inaanu isaga ilaalino, waxaanu sugi doonaa ilaa daqiiqada ugu danbaysa si aanu go’aan u gaadhno”.

Martino ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay kulankii hore ee xulka qaranka Argentina ay la ciyaartay El Salvador iyo seegitaankii Messi wuxuuna yidhi: “Tababarkii ugu horeeyay Messi wuu fiicnaa, laakiin tababarkii labaad xanuun ayuu dareemayay, waxaanu kulankii El Salvador aanu siinay ilaa daqiiqadii ugu danbaysay, laakiin horumar muu samayn taasina waxay ahayd sababta aanu u go’aansanay in aanu ciyaarin.Dhakhaatiirtu waxay na tuseen sawirka Messi laga qaaday laakiin waxba may ahayn, laakiin marka uu kabta xidho ayay cagtu barbar keenaysaa”.

Argenina ayaa kulankii El Salvador guul ku gaadhay 2:0, waxayna diyaar garaw ugu jiraan koobka Copa America oo sanadkan ka dhici doona dalka Chile.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved