Published On: Mon, Oct 22nd, 2018

Taageerayaasha ku sugan Manchester oo ku soo xoomay Ronaldo iyo BOOLIS loo baahday….+SAWIRRO.

22 Okt 2018.

Cristiano Ronaldo ayaa soo gaaray Manchester United ka hor kulanka ay Juventus habeen dambe la ciyaari doonto kooxda reer England.

Xiddiga reer Portugal ayaa 6-sano ku sugnaa gegada Old Trafford ka hor inta uusan lacagihii ugu badnaa waqtigaa ugu dhaqaaqin Real Madrid.

Taageerayaasha ku sugan Manchester ayay aad uga go’neyd inay arkaan xiddigoodii hore iyagoona ku soo xoomay markuu ka soo dagay garoonka waxaana loo baahday Boolis si ay u xakameeyaan.

Ronaldo iyo saaxiibadiisa ayaa intaa kaddib u baqoolay garoonka Old Trafford oo ay tababarka ku sii sameynayaan ka hor kulanka habeen dambe waxaana wajigiisa ka muuqday farxad kaddib markii uu ku laabtay garoonkii uu ku soo shaac baxay.

 

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved