Published On: Tue, Mar 14th, 2017

SOMALIA VS UGANDA: Xulka kubadda kolayga Somalia oo shalay wacdaro ka dhigay Qaahira.

15 03 2017

Waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar ka soconaya tartanka kubadda kolayga soonka 5-aad ee Fibba oo ay Somalia ka qayb geleyso.

Waxaa shalay ciyaaray xulalka Somalia vs Uganda kulankaasoo ay Somalia ka maqnaayeen xiddigo fara badan oo ka iman lahaa Somalia oo lagu xayiray garoonka dayuuradaha Dubai sida ay noo sheegeen dad goojoob ah ayaa waxaa 94-72 ku  badisay Uganda.

Xulka kubadda kolayga gabdhaha oo kasoo duulay Muqdisho ayaa iyaguna la sheegayaa in ay 48 saacadood ka badan ku xayirnaayeen oo ku silceen Dubai oo ay transit ku ahaayeen kaddib markii lagu eedeeyay inay tahriib u socdaan, waxaase haatan la sheegay waloow aan la hubin in la fasaxay.

Waxaa maanta markale ciyaari doona xulka wiilasha kubadda kolayga ayaa isla maanta xilliga maxalliga ah 12:30 markale la ballansan dhiggooda Burudi iyagoo haddii ay kasoo baxaan u gudbaya nus-dhamaadka tartanka.

Image may contain: 13 people, people playing sport, basketball court and shoesbb1b3b4b5b6b7b9b10b11b12b13b15b16b17b18b19b20b22b23b24b25b27b28b0Image may contain: 10 people

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved