Published On: Tue, Sep 4th, 2018

Siciido Nuur Abukar (Wariiri) oo ka Mid ahayd Gabdhihi Kubada Koleyga oo Geeriyootey .

Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Toronto ee dalka Kanada ku geeriyootay mid ka mid ah Ciyaaryahanadii ugu horeeyey ee xulka qaranka kubadda koleyga ee gabdhaha Soomaaliya. Saciido Nuur Abuukar (wariiri) oo lagu naaneysi jirey Wariiri, ayaa shalay u dhimatay xanuun ay la il-darreyd.

Waxaa Tacsidaas diraayo dhamaan Bahda K/Kolayga oo uu ugu horeyo Cabdiraxmaan  Maxamuud Guhaad (Shiino) oo ah Gudoomiyaha Qurba Jooga K/Kolayga Soomaaliyeed, dhamaan bahweynta Sportiga iyo Wargeyska Cayaarahadunida .Com waxaa Tacsi taa la Mid ah u dirayaan dhamaan Ehelada Asxaabta iyo qaraaabada Saciido,Waxaa Marxuumada Eebe uga baryeynaa in uu ka waraabiyo Janadii Furdosa,dhamaanteen Samir iyo iimaan Allaha naga Siiyo.Aamiin Aamiin Aamiin.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved