Tababare C/Casiis A. Mahdi Oo Aqoontiisa Ka Faa`ideynaya

 

ATLANTA: Isboortiga waxa uu mudanyahay in lagu abaabiyo dhalaanka soo koraayo waxa laga helaa caafimaad taam ah,waxa uu qayb ka qaataa koritaanka jireed iyo maskaxeed ee dhalinyaradda waxa laga hela sumcad iyo sharaf aan la koobi karin,waxay leedahay maalmo farxadeed oo aadan waligaa iloobin,waxay kaloo leedahay maalmo kale oo murugo kugu reebta.

              

Isboortiga waxa uu ku baraa is dhexgal bulshadeed ugu dambeyntii waxa laga kororsadaa kala dambeyn sida waxa afkiisa laga hayaa isagoo qiireysan Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi.

Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi waxa uu ku soo dhex baarbaaray qoys Isboortiga Soomaaliyeed magaca iyo Maamusba ku leh kana soo qayb galay dhaqdhaqaaqa Isboortiga Soomaaliyeed 50 sano ee ugu dambeeyey .

Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi waxa uu ku soo barbaaray Degmada Shibis halkaa oo ay ka soo baxeyn Ciyaayahano magac iyo maamusba ku leh Isboortiga Soomaaliyeed. waxaana cabdicasiis uu ka mid ahaa yaaraantiisii dhalinta u soo daawasho tegi jirtay garoonkii Kubadda Cagta ee MAXFALKA halkaa uu ku daawan jiray ciyaartoyda kala ah Marxuum Jumcaale Xaayow,Shiiqaalow,Baxeyt.Faysal Tabeeba ,Baani iyo kuwa kale waxaana halkaa uu ka bilaabay ka qayb galka Ciyaarta Kubadda Cagta, waxaana ku dhiiri geliyey in uu Ciyaarta sii wado Marxuum Jumcaale Xaayow una sheegay in uu mustaqbal ku leeyahay Kubadda Cagta.

 

Tababare Cabdicasiis Markuu muddo aan badneyn uu iskiis u tababar u sameynaayey ay waxa uu ka mid noqday Kooxdii Dhalinta soo koreysa oo lagu magacaabaayey VERDE halkaa uu Cabdicasiis ka muujiyay wacdaro,waxayn ku guuleysteen muddo sadex sano oo is xigta Koobkii Ramadaanka.

Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi waxa uu ka mid noqday kooxdii Serie B ee Gaadiidka waxaana taageeyey Aabihii Axmed Mahdi oo ka tirsanaa Taageerayaasha loogu jecel yahay ee Kooxdii gaadiidka, waxaana markaas Tababarayaal ka ahaa Marxuum Maxamed Yusuf Kobey iyo Tababare Mansuur sanadkii 1982.
Tababare Cabdicasiis markii uu wacdaro ka muujiyey tartankii Seria B ayaa waxa loo xulay in uu ka mid noqdo Ciyaartoyda Gobolka Banaadir sanadkii 1982 waxaana halkaa Tababare ugu ahaa Tababare Cabdulaahi Tuke oo wax badan u kordhiyey xirfadiisa Ciyaareed iyadoo ciyaaraha ay ka galeen kaalinta labaad.

Tababare Cabdicasiis markii la arkay qaabkiisa Ciyaareed ayaa dabayaaqadii sandkii 1982 uu u gudbay Serie A kooxda Gaadiidka isagoo nasiib u yeeshay in uu la qaybsado kooxda Gaadiidka guulo aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen Horyaal iyo Koobka Koobabka ee Jen. Daa`uud, isagoo aysan maankiisa ka go'aynin Ciyaartoydii guushaasi kala qayb gashay oo kala ahaa Jamaal M. Xasan,Qaasim Cali.Casiis,Cabdalla Saalim iyo Marxuum Kadiila iyo kuwa kale oo aan halkaan ku soo koobi karin.

Tababare Cabdicasiis Axmed Mahdi waxa uu sanadkii 1983 u soo wareegay Kooxdii Kubadda Cagta ee Muqdishu isagoo nasiib u yeeshay in uu markaa kooxda uu tababare u ahaa Charleys Kumi oo u dhashay dalka Gaana adduunyada dhanna laga yaqaan,waxaana Cabdicasiis halkaa ka fa'ideystay farsamooyin badan taas oo kooxda Muqdishu u keentay samadkii 1985 inay kaalinta labaad galaan Horyaalkii isla sanadkii xiganay ay ku guuleystaan Kaalinta Kowaad ee Horyaalak, waxaana guushaasi ku wahliyey Ciyaartoyda kala ah Axmed Qaldaan,Marxuum Isaaq.Duqow,Aajelow,Yaxye M. Abukar,Cabdicasiis Qafaal,Cabdi Maxamed Rooble,Zakariya,Kamaal,Axmed cabaas,Loolow,Cumar Calasow iyo Farayare.



 

Tababare Cabdicasiis iyo Kooxdiisii Muqdishu waxa loo caleemo saaray in ay xulaan Kooxda Junyoorka ee Xulka Qaranka Soomaaliyeed,waxayna safarkoodii ugu hooreeyey ku tageen dalka Ugandha,waxaayna halkaa Ciyaar ku tirsaneyd Horyaalka Junyoorka Addunka la yeesheen koox ka socotay dalka Ugandha halkaa oo Tababare Cabdicasiis iyo kooxdiisa ay kooxdii kale uga guuleysteen 2-0, Cabdicasiis markii uu arrintaa na xasuusinaayey waxa wajigii ka muuqday Farxad aan la koobi karin,waxa kaloo uu Ciyaaro u tagay isagoo Huwan Funaanadda Bulugaha ah Zambia,Ruwaanda iyo Kenya halkaa uu tartamadii uu ka qayb galay dhamaantood amaan loogu jeediyey.

Tababare Cabdicasiis waxa uu Ciyaaraha ka fariistay sanadku markuu ahaa 1988 dhaawac soo gaaray awgiis, Laakiin markii uu dagaallkii sokeeyey uu dhacay waxa uu ka mid ahaa tababarayaashii ku haray dalka halkaana ka sii waday horumarinta Ciyaaraha.
Tababare Cabdicasiis waxii ka dambeeyey 1990 waxa uu soo tababare Kooxo aad u fara badan oo ka mid ahaa Koox uu lahaa Nin ganacsade ah oo u dhashay Dalka talyaaniga oo magaciisa la oran Jiray John Carlo,waxa kaloo uu tababare u noqday Kooxdii Interglobe Enterprise iyo Kooxdii dekadda oo ku guuleysatay Horyaalkii iyo Jen Daa`uud.


Sanadku Markuu ahaa 1997 waxa loo magacaabay in uu ka mid noqdo Tababarayaasha Xulka Qaranka isagoo la shageynaayeey Halyeey Xusen Cali Coonka oo Isboortiga Soomaaliyeed Taarikh aad u dheer ku leh,waxayna Ciyaartii ugu horeysay ay ugu ambabaxeyn Dala Angoola waxayna Cabdicasiis iyo Kooxdiisa ay halkaa ka muujiyeen Ciyaar ay dadkii u soo dawaasho tegay ay la dhaceyn waxaana Xulka qaranaka looga Guuleystay HAL GOOL oo qura oo si khalad ah uga dhashay.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta markuu arkay dadaalka uu muujiyeey Tababare Cabdicasiis ayaa waxa loo gartay in uu ka qayb galo Tababar heer caalami oo ay ka soo qayb galeen tababarayaasaha Kubadda Cagta ee Addunka ee lagu qabtay Dalka Hungery magaalo madaxdiisa ee Budbest halkaa uu ka soo qaatay Shahaado aad iyo aad u sareysa,inta ka dib Tababare Cabdicasiis wax a uu u soo guuray dalka Mareykanka gaar magaaladda Nashville halkaa uu ka sii wato hawlahiisii Tababarnimo,waxaana uu gacanta ku hayaa dhalinyaro aad u fara badan,isagoo doonaayo in uu dhaliyaradaan ka badbaadiyo waxyaabaha xun xunka ah,taa oo aad moodo in uu ku guleystay qiimeyn badanna uu kaga helay Jaaliyadda uu la noolyahay.



 

Tababare Cabdicasiis Macalin Qolof iyo Gudoomiye Ciise waxay haatan abaabuleyn tartan Kubadda Cagta oo ay ka soo qayb galyaan illa lix Gobol oo kala ah Atlanta,Main,Virginia,Ohio,Mineapolis iyo Nashville,ciyaartaasoo ay dadka ku nool Nashville ay wada dhawrayaan madaama ay ka soo qayb galayaan odayaal Isboorti oo qiimo ku leh Isboortiga Soomaaliyeed.

Haddi aanu nahay qorayaasha Isboortiga waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u gudbineynaa Tababare Cabdicasiis halganka dheer uu u soo galay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed,waxaana kuugu dhiirigelineynaa

                Waxaa Diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh

                 

 
   
   
   
   
   
   
   
   

 Copyright 2011 Cayaaraha Dunida