Published On: Wed, Feb 7th, 2018

Roman Abramovich ayaa ka laabtay go’aan culus oo la filayay inuu qaato,

07 Feb 2018 

Roman Abramovich ayaa ka laabtay go’aan culus oo la filayay inuu qaato, wuxuuna go’aansaday in tababare Antonio Conte uu sii layliyo kooxda.

Tababaraha reer talyaani ayaa wajahaya waqti adag, kadib markii kooxdu ay guulaysatay kaliya 2-kulan sidii loo galay sanadkaan cusub ee 2018.

Shabakada Calcio Mercato ayaa daaha ka qaaday in Roman Abramovich ay ka go’nayd inuu kooxda ka diro Antonio Conte, laakiin dooqiisa koowaad oo ahaa Luis Enrique ayeey is fahmi waayeen.

Luis Enrique ayaa gabi ahaanba diiday inuu qabto Chelsea waqtigaan, maadama kooxdu ay ciyaarayso kulamo adag oo uu ku jiro kulanka Barcelona.

Roman Abramovich ayaana ku qasbanaaday inuu kalsooni siiyo tababaraha reer talyaani kaas oo xiliciyaareedkii hore u gacan galiyay Premier League.

Sky Sports ayaa dhankeeda baahisay in mustaqbalka tababare Antonio Conte la go’aamin doono kadib labada lug ee kooxdu ay wajahayso Barcelona, Conte ayaa haatan haysta fursad uu Blues ku sii joogi karo ilaa bisha Maarso.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved