Published On: Tue, Aug 22nd, 2017

Real Madrid oo Racfaan ka qaadatay Roosihii Sergio Ramos.

22 08 2017

Kooxda kubada Cagta Real Madrid ayaa lacadeeyey in ay Racfaan ka qaateen Roosihii lasiiyey daafacooda Sergio Ramos roosahaas oo ay aaminsanyihiin in uu ahaa qalad.

Real Madrid ayaa Warqad qoraal ah u gudbisey Xiriirka la Liga Warqadaas oo ay ku sheegeen in ay doonayaan in lacafiyo Roosihii Sergio Ramos kaas oo ay sheegeen in uu ahaa mid uu si qaldan u bixiyey Garsoorihii kulankii Horyaalka Spain ee ay 3-0 kaga badiyeen Deportivo La Coruna,

Naadiga Real Madrid kuma faraxsana Roosihii uu bixiyey Luis Gonzalez Gonzalez Waxaanan dooneynaa in lacafiyo maadaama uu ahaa mid qaldan sidaa waxaa lagu yiri Warka qoraalka ah ee lagaarsiiyey Xiriirka La Liga lamase oga in ay qabali doonaan iyo in ay diidi doonaan.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved