Published On: Tue, Jun 6th, 2017

Real Madrid oo Gaartay Caasimada Spain siweyna loogu soo dhaweeyey +Sawirro +Video.

Jun 06 2017

Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Gaartay Magaalada Madrid ee Casimada dalka Spain kadib Guushii weyneyd ee ay ka gaareen Kooxda Juventus oo ay kaga badiyeen 4-1.

Cayaartoyda iyo Maamulka Real Madrid ayaa Gaaray gelinkii dambe ee Maanta Magaalada Madrid iyaga oo Wata Guushii loogu Magacdaray La Duodecima ee ay ku qaadeen koobkii 12 aad ee Champions League.

Real Madrid ayaa Noqotey kooxdii koowaad ee difaacata laba Xili Cayaareed oo xili Cayaareed oo Xiriir ah koobka Champions League tan iyo Markii Magacaan loo bixiyey Sanadkii 1992 dii.

Xidigaha Kooxdaan ayaa Gaaray Magaaladooda iyaga oo ku faraxsan Guusha ay u qalmeen ee ay ka Gaareen Kooxda Juventus oo aan soo bandhigin Cayaartii laga filayey loona awood sheegtay.

Kumanaan Taageerayaasha Real Madrid ah ayaa siweyn u soo dhaweeyey geesiyaasha kooxdooda ee Guusha weyn kula soo laabtay Magaalada Caasimada ah waxaana Cayaartoyda lasaaray bas kor ka furan iyaga oo ku soo wareegay qaybo ka mid ah Magaalada Madrid.

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved