Published On: Thu, Aug 27th, 2015

RASMI: Lionel Messi Oo Markii Labaad Ku Guulaystay Xidiga Yurub Ugu Fiican Isaga Oo Ronaldo Iyo Suarez Abaal Marintan Ku Garaacay Iyo Xidiga Ree Argentina Oo Rekoodh Cusub Ku Dhigay Abaal Marintan.

Messi1227 08 2015

Xidiga xulka qaranka Argentina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii labaad ku guulaystay abaal marinta Xidigii Yurub ugu fiicnaa xili ciyaareedkii 2014/15. Messi ayaa abaal marintan ku garaacay xidiga ay sida wayn u xifiltamaan ee Cristiano Ronaldo iyo xidiga kale ee ay isku kooxda yihiin ee Luis Suarez.Messi oo hore abaal marintan ugu soo guulasytay sanadkii 2011 kii ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee laba jeer ku guulasytay xidiga Yurub ugu fiican. Messi2

Lionel Messi oo xili ciyaareedkii hore soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ayaa kooxdiisa Barcelona xili ciyaaredkii hore ka caawiyay inay ku guulaysato saddexdii koob ee ay utartamaysay oo uu ku jiray koobka kooxaha Yurub ee Champions Leaque-ga. Messi ayaa sidoo kale bilawga xili ciyaareedkan Barcelona ka caawiyay inay ku guulaysato koobka UEFA Super Cupka oo ay ka qaaday kooxda Sevilla.Messi

Messi ayaa Ronaldo ku garaacay abaal marintii ugu horaysay waxaana suurtogal ah inuu hadda yahay xidiga ugu cad cad ee loo saadaalinayo inuu markii shanaad ku guulaysto abaal marinta kale ee shaqsiga ah ee Ballon D’orka. Messi ayaa Ronaldo iyo Suarez ku garaacay codkii ay dhiibteen wariyaasha 54 ka wadan ee qaybta ka ah EUFA.Messi

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved