Published On: Wed, Sep 6th, 2017

PSG oo soo bandhigtay Mbappe iyo taageerayaasha oo si waali ah u soo dhaweeyay…+SAWIRRO.

06 09 2017

Naadiga PSG ayaa soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Mbappe kaa oo heshiis amaah ah uga yimid naadiga Monaco.

Laacibka ayaa kal ciyaareedka soo socda si joogta ah ugu biiri doona PSG lacago dhan 166 milyan oo bound taa oo ka dhiga inuu yahay laacibka labaad ee ugu qaalisan kubbada cagta iyo da’yarkii ugu qaalisanaa ebid.

Taageerayaal aad u fara badan ayaa soo dhaweeyay dhaliyaha reer France ee loo dhiibay lambarka 29-aad.

“Haddii ay tahay hal Euro amaba 180 milyan oo euro wax iga galay malahan aniga,” Mbappe ayaa sidaa yiri.

“Anigu ma bixin lacagahaas anigana maahan qofka jeebka ku shubanaya.

“Waa farxad wayn inaan ku soo biiro mid ka mid ah kooxaha ugu waa wayn adduunka.

“Muhiim ayay ahayd inaan ka tagin France. Muhiim ayay ahayd inaan dib ugu soo laabto magaaladii aan ku soo koray.”.

SAWIRRO:

PSG supporters light flares to welcome teenage superstar Kylian MbappeKylian Mbappe meets fans after his unveiling as a PSG playerKylian Mbappe in shirt and tie at his unveiling in ParisNew signing Kylian Mbappe is introduced to fans in ParisNew arrival Kylian Mbappe throws a PSG scarf to supportersKylian Mbappe is handed his new shirt by PSG chairman Nasser Al-KhelaifiParis Saint Germain’s Qatari president Nasser Al-Khelaifi speaks beside Kylian Mbappemm

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved