Published On: Thu, Nov 23rd, 2017

PSG oo noqotay naadiga goolasha ugu badan heerka Guruubyada Champion-ka dhaliso.

23 11 2017

Kooxda PSG ayaa 7-1 ku xaaqday naadiga Celtic waxayna si rasmi ah ku noqdeen kooxda goolasha ugu badan Champion-ka heerka Guruubyada ku dhaliso.

Dortmund 21-gool heerka Guruubyada iskoorkii ay ku heesatay waxaa dhaaftay Paris oo haatan 24-gool dhalisay welina cayaar usii harsan tahay.

PSG guusha 7-1 ayay kaga badiyeen Celtic waxay ka dhigan tahay inay 5-kulan xariir ah guuleesteen waxayna ka ciil qabaan in Dembele goolkii ugu horeeyay kooxdan ka dhaliyay xili cayaareedkan Champion-ka.

Neymar iyo Cavani ayaa min labo gool dhaliyeen halka Kylian Mbappe, Marco Verratti iyo Dani Alves min gool dhaliyeen.

Kooxda Bayern Munich ayaa iyadana 2-1 guusha kaga qaadatay naadiga Anderlecht kulan ay safar ahaayeen.

Bayern goolasha waxaa u dhaliyeen Robert Lewandowski iyo Corentin Tolisso waxayna Bayern leedahay 12-dhibcood ayadoo wareega 16-aad usoo baxday.

Bayern si ay kaalinta kowaad Guruub A kaga soo baxaan waxay ku qasban yihiin kulanka ugu dambeeyo oo ay PSG garoonkooda ku qaabilayaan farqi 4-gool nadiif ah inay ku badiyaan madaama kulankii hore Paris 3-0 guusha ku qaadatay.

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved