Published On: Thu, Feb 1st, 2018

Pierre-Emerick Aubameyang: Waxaan rabaa in aan noqdo Henry oo kale.

 01 02 2018. 

Pierre-Emerick Aubameyang waxa uu daaha ka rogay in uu raaco raadkii Theiry Henry kaddib markii uu dhammeystiray ku biiridda Arsenal.

Aubameyang waxa uu si rasmi ah uga mid noqday Arsenal maanta iyada oo la aaminsan yahay in Gunners ay £60m uga soo iibsatay Gabon-ka kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund.

28 jirka waxa uu 141 gool 123 kulan ugu dhaliyey Dortmund, waxa uu sheegay in Henry u yahay tusaale weeraryahanada iyo in uu rabo raad kiisa oo kale ah in uu ku reebo caasimadda England.

“Waxaan qabaa in kooxdu leedahay sooyaal sare iyo sida ciyaaryahano Thiery Henry oo kale ah. Oo tusaale anaga weeraryahanada u ah, runtii waan ku faraxsanahay, sida aan hore u iri,” ayuu Aubameyang u sheegay Arsenal TV.

Weeraryahanka 21 gool ayuu 24 kulan dhammaan tartamada u dhaliyey BVB xilli ciyaareedkan.

Kulankiisa ugu horreeya waxa uu Arsenal sabtida ku wehelin doonaa ciyaarta Everton ee Emirates ka dhici doonta.

Haddaba Auba ayaa bixiyay waraysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu mar aan dheerayn noqday laacib ka tirsan safka Gunners ee hoos ka daawo.

Halkan ka DAAWO….

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved