Published On: Wed, Apr 22nd, 2015

Pep Guardiola”kama wal walsani inaan ku beegano Barcelona ama Real Madrid.

germaney22 04 2015

Pep Guardiola  ayaa u mahadceliyay ciyaaryahanadiisa xalay layaabka sameeyay waxaana uu sheegay iney diyaar u yihiin hadii ay isku soo aadaan kooxaha Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

Iyago kulankii hore looga adkaaday 3-1 ayey xalay ku soo badiyeen garoonkooda 6-1.

Isagoo lahadlayay Sky waxaa uu yiri”waxaan u ciyaarnay sifiican qeybta hore laakiin qeybta labaad maya,kaliya waxaan u mahadcelinayaa xiddigihii jawaabta bixiyay 45 daqiiqo ugu horeysay.

Macalinka ayaa sheegay inuu yahay nin nasiib badan maadaama uu heysto ciyaaryahanadaas wanaagsan.

Wariyaasha ayaa weydiiyay inuu ka wal walsan yahay kooxda uu ku dhacayo Semi finalka”kama wal walsani kooxda aan ku beegmeyno ha ahaato Barce ama Real Madrid, Atlético, Juventus ama Monaco.

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved