Published On: Tue, Oct 30th, 2018

Ogoow hal arin oo ay isku haayaan Real Madrid iyo Antonio Conte (Wax badan ka ogoow waxa ka socda Bernabeu).

29 Okt 2018

 

Waxaa hakad uu ku yimid wadahadaladii u dhexeeyay Real Madrid iyo tababare Antonio Conte kadib is fahan waa dhex maray labada dhinac.

ABC ayaa daaha ka qaaday in wadahadalada Real Madrid iyo Antonio Conte aan loo soo afjarin si buuxda, balse waxaa jira qodob labada dhinac ay isku mari la’yihiin oo laga gudbi karo haddii uu tanaasul yimaado.

Real Madrid ayaa hordhigtay Conte heshiis 2-sano ah iyo sanad kale oo dheeri ah haddii labada dhinac ay isku afgartaan in lagu daro heshiiska.

Laakiin Antonio Conte ayaa diiday, wuxuuna doonayaa in laga saxiixo heshiis 3-sano oo aan laalaab lahayn taas oo Perez iyo maamulka Real ay diidan yihiin.

Waxaa kale oo jira codsi ka yimid Conte oo ah in farta laga saaro awooda kooxda oo dhan oo isaga loo madax baneeyo go’aanada qolka labiska iyo wixii quseeya ciyaartoyda.

Haatan waxaa la isku afgartay in Santiago Solari uu noqdo tababaraha Real Madrid ilaa 11-ka November markaas oo la aadayo fasaxa kulamada xulalka.

Santiago Solari ayaa laylin doona Real Madrid kulamada kala ah Melilla, Valladolid, Viktoria Plzen iyo Celta Vigo.

Real ayaana kadib magacaabi doonta tababare cusub oo la wareegaya talada kooxda marka laga soo laabto kulamada xulalka markaas oo kooxdu ay u safri doonto Eibar.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved