![]() | ||
![]() |
ROME (CIYAARAHADUNIDA .COM AC Milan ayaa soo afjartay 5 sano oo aysan dhadhmin horyalka dalkeeda Seria A, kasoo ay qaadaneysay kooxda ay walaalaha yihiin ee Inter Milan, wuxuuna u noqonayaa horyaalkii ugu horeeyay ee Serie A ah laga soo bilaabo 2004 markii ay 0-0 la gashay Roma. kooxdaan wax iska leh Raiisul-wasaaraha dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi, AC Milan iyo Inter tirada ay qaadeen horyaalka dalkaasi waxey noqonayaa mid is la eg oo ah min 18 horyaal, 9 koob waxey ka hooseeyaan Juventus oo heysta tirada koobabaka ugu badan . AC Milan waxey horyaalka ku qaaday 78 dhibcood iyadoo ay horyaalka ka dhimantahay 2 kulan, booska 2aad wuxuu u xiran yahay Inter taasoo 9 dibcood ka hooseysa Milan beri ayeey la ciyaari doontaa Fiorentina. <<<<<<<Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh <<<<<<<
|
|