Published On: Thu, May 28th, 2015

Michel Platini oo niyad jabiyay Blatter: Waxaan codka siin doona Amiir Ali Al Hussien.

michel-platini-presidente-dela-uefa28 05 2015

 Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo in Blatter uu markale dib ugu soo laabto jagada madaxtinimo ee FIFA.

Michel Platini ayaa sheegay inay codkooda siin doonaan hadii ay yihiin dowladaha yurub ninka latartamaya Blatter ee Amiir Ali Al Hussein kadib markii Blatter uu diiday inuu is casilo.

“Si waji ka waji ah ayaan ugu sheegay Blatter inay waajib ku tahay inuu ka dago kursiga madaxtinimada FIFA waayo sawir qaldan ayuu ka bixiyay FIFA, lakiin wuxuu iigu jawaabay in waqtigii uu dhamaaday uusan si lama filaan ah uga tagi doonin xilka” ayuu yiri Michel Platini.

“Waxaan taageere doona Amiir Ali Al Hussein, waxaana ku boorinaynaa dhamaan xiriirada kale inay sameeyaan sideena oo kale”.

“Ugu yaraan 45 ama 46 dowlad oo yurub ah ayaa u codayn doona Ali Al Hussein hadii aan ku kalsoonahay dhamaantood, Ali uma baahna lacag waayo asiga ayaaba boqor ah”.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved