Published On: Mon, Apr 2nd, 2018

Masar oo wada hadalo kula jiraan FIFA si koobka aduunka bilaash looga daawado gudaha Masar.

02 04 2018

Masar waxay ka mid yihiin xulalka usoo baxeen koobka aduunka ee xagaagan dalka Russia lagu cayaari doono.

Balse TV-ga rasmiga ah ee dowlada Masar leedahay ayaan weli ku guuleesanin inay FIFA ka helaan baahinta xuquuqda koobka aduunka gudaha Masar in si bilaash ah xagaagan looga daawado.

FIFA waxay ka iibisay xuquuqda baahinta koobka aduunka bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika TV-ga caanka ah ee beIN Sports ee dalka Qatar laga leeyahay kaasi oo macaamiishiisa adeega uu siiyo qidmad lacag ah kaga qaataan.

Balse dowlada Masar gaar ahaan wasaarada warfaafinta waxay FIFA ka codsadeen in TV-ga qaranka loo ogolaado cayaaraha xulka Masar cayaarayaan inay baahiyaan si shacab weynaha Masar oo dhan bilaash ugu daawadaan.

Masar waxay hadda FIFA waan waan ugula jiraan sidii loogu ogolaan lahaa baahinta cayaarta furitaanka, Semi Fiinaalaha iyo kulamada xulalka Carabta cayaarayaan koobka aduunka.

Xulka Masar waxay ku jiraan Guruub-ka A koobka aduunka ayagoo ay isku qayb yihiin xulalka Russia, Uruguay iyo Saudi Arabia.

Waxayna Masar 15-ka June kulankooda kowaad la cayaari doonaan xulka Uruguay ayagoo Masar 28-sano kadib koobka aduunka dib ugu soo laabteen.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved