Published On: Tue, Feb 13th, 2018

Manchester United oo dooneysa inay soo qaadato shan Ciyaartoy, iyo Morinho oo laga yaabo inuu laba daafac oo muhiim ah iska fasaxo.

13 02 2018

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya inuusan qandaraaska u cusbooneysiinin labadiisa daafac eek ala ah Chris Smalling iyo Phil Jones.

Smalling iyo Jones ayaa soo bandhigay bandhig aan sidaas u wanaagsanen kulankii ay 1-0 guuldaro ah, kasoo gaaratay Newcastle Axadii.

Mourinho ayaa qarka u saaran inuu soo qaato xiddiga Real Madrid Raphael Varane, kaasoo la sheegay inuusan ku qanacsaneen sii joogitaankiisa Santiago Barnabeu.

United ayaa ku jirta booska labaad ee kala sareynta horyaalka Ingiriiska, iyadoo hogaamiyayaasha Premier League xilli ciyaareedkaan, ka dambeeya 16 dhibcood.

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegaya in Smalling iyo Jones ay labadoodaba ka tagi karaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mourinho ayaana ka walwalsan labada ciyaaryahan qaabciyaareedkii ay soo bandhigeen, kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Magpies.

Manchester United ayaa sidoo kale dooneysa inay lasoo saxiixato laacibiinta kala ah Marco Asensio, Toni Kroos, Casemiro iyo Arturo Vidal, si ay dib u dhis isugu sameyso xagaaga soo aadan.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved