Published On: Mon, Oct 22nd, 2018

Luka Modric ayaa qadyaan ka soo istaagay kooxda Real Madrid.

22 Okt 2018.

Luka Modric ayaa qadyaan ka soo istaagay kooxda Real Madrid isagoona diyaar u ah inuu ka tago bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Kabtanka xulka Croatia ayaa si wayn lala xiriirinayay kooxda Inter Milan oo xalay ka talaabsatay AC Milan kulankii ubsuucan ugu xiisaha badnaa horyaalka Serie A.

Warsidaha Don Balon ee dalka Spain ayaa warinaya in Modric uu qaati ka soo istaagay kooxda Real Madrid isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka tago Janaayo kuna biiro kooxda reer Talyaani.

Laacibkii hore ee Tottenham ayaa ku jahwareersan jihada ay u jeedo kooxdiisa iyo bandhigyadeeda liitay ee usbuucyadii dhawaan.

Wuxuu sidoo kale ka careysan yahay in kooxda ay dirtay Ronaldo iyo Zidane isla markaana aysan keenin badel u dhigma.

Real Madrid ayaa ku jirta qaab ciyaareedkeedii ugu liitay abid 17-sano kaddib waxaana suuro gal ah inay ceyriso tababaraheeda ka hor kulanka El Clasico.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved