Published On: Mon, Dec 3rd, 2018

Luka Modric ayaa caawa loo caleemo saaray Ballon d’Or.2018.

03 Dis 2018.

Luka Modric ayaa caawa loo caleemo saaray Ballon d’Or iyadoo ugu dambeyn saaxada laga waayay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Labada laacib ayaa min shan jeer ku guuleystay Kubbada Dahabka oo Tobankii sano ee ugu dambeeyay wax soo kala dhex galay ma jiraan, laakiin Modric ayaa caawa meel uga soo baxay.

Ronaldo ayaa ku soo baxay kaalinta labaad, Griezmann ayaa soo xirta Saddexaad waxaana afaraad soo galay da’yarka Kylian Mbappé.

Mbappé ayaa waxaa u dheeraa inuu caawa ku guuleystay Kopa Trophy ee ah abaal marinta da’yarka ugu fiican adduunka.

Ada Hegerberg ayaa iyana ku guuleysatay abaal marinta Ballon d’Or ee Dumarka oo markii ugu horreysay la bixiyay:

Haddaba DAAWO SAWIRRO XUL AH oo ku aadan Xafladda Ballon d’Or:

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved