Published On: Sun, Aug 6th, 2017

London Somali Week summer games 2017 .

06 08 2017

Shalay oo ay taariiqdu tahay 4/08/2017  ayey furmeen Cayaaraha xagaaga heerka 1aad ee Somali Week London, Cayaarahan oo ay kasoo qeyb galeen 6 kooxood oo ka kala yimid wadamada yurub ayaa Sanadkaan u ah sanadkiisii 4aad.

Furitaankii Cayaarahan ayaa waxaa  ka soo qeyb galay dadweyne iyo marti sharaf ka kala yimid wadamada Yurub, USA iyo ,Canada, Jawiga furitaanka ayaa aad u wanaagsanaa, Cimilada oo  wanaagsan sidoo kalena guddiga Cayaaraha maamula ayaa iyaguna ka muuqday diyaargaroow aad u heer sareeya, sidoo kalena waxaa dadweynaha si joogta ah bilaw ilaa dhamaad maaweelinayey fanaanka Caanka ah Feysal Yare  iyo Mudane Cabdinasir Sola oo  ahaa  xiriiraha barnaamijka furtaanka.

Barnaamijka ayaa sidatan u dhacay waxaa Socod bilabay kooxahii tartanka kasoo qeyb galayey iyadoo koox waliba hor kacayey gabar yar oo u sida boor ay magacooda ku qoran yihiin iyo ubaxyo, intaa ka dib ayaa kooxahii kusoo wada idlaaday halkii loogu talagalay inay istaagaan ee bartamaha garoonka.

Intaa ka dib waxaa bilaabmay khudbadahii furiitaanka halkaas oo ay marti sharaf aad u qiima badan oo qaarkood xilal weyn ka soo qabtay Soomaaliya ay  ka jeediyeen khubado aad u qiima badnaa oo dadweynaha raali galisay, waxaana khudbadii  furitaanka bilaabay gudoomiyaha Cayaaraha xagaaga heeka 1aad  SomaliWeek mudane Maxamed Ismaaciil Cali  halkasnina kasoo jeediyey khudbad aad u qiima badneyd isla markaana kusoo dhaweeyey mikrafoonka  ku wareejiyey mudane Axmed Sheel oo ah massul xilal kala duwan kasoo qabtay isbortiga Soomaaliyeed hadaladiisa waxaa ka mid ahaa  waxaa dib u soo xasuustay Cayaarahii gobolada Soomaaliya ka dib markii uu aad ula dhacay sida loo Soo agaasimay tartanka furitaankiisa, sidoo kale waxa uu Axmed Sheel aad uga hadlay Midnimada Ummada Soomaaliyeed iyo sida isbortiga loo horumarin lahaa.

Anagoo halkan aan kusoo koobi karin dhamaan dadkii goobtaas ka hadlay ayaa misna waxaa soo koobeynaa qaar ka mid ahaa madaxdii furitaanka kasoo qeyb galay sida.

 Gudoomiyaha Qabanqaabada Somali Week London Mudane Abdi Ahmed Wark oo ka hadlay sidii loo soo qabanqaabiyay tartankaan quruxda badan oo maanta la furay ,  sidoo kalena waxaa halkaa khudbado qiima badan ka soo jeediyey, Mudane Abdraxmaan Maxamuud Guhaad  Macalin Shiino, Daahir Cali Kulmiye, Muriidi Abanuur Abati,Dageeye,Abdulkadir Biyoole, Deysane,Axmed Muuse,Baana,Bile Madbaco,Abaliisha,Xaaji jeenyo, iyo marti sharaf ka socotay Maamulka gobolka Hirshabeele Wasiirka isbortiga Cbadiqani Jeenyo.

Intaa ka dib ayaa la gaaray Cayaartii furitaanka waxaana lagu furay labada koxood ee kala ah Hilltop VS North London,Waxaa kubadii Furitaanka laaday Cayaaryahanka Weyn Muriidi Abanuur Abati, waxa ay Cayaartiina guusha ku raacday kooxda Hilltop oo ay ku guuleysatay 3-1.

4/08/2017

Hilltop (3) Vs North London (1)

Juba (1) Vs Wabari (1)

5/08/2017

Hilltop (5) Vs Bristol (2)

Edminton (1) Vs Juba (2)

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved