Published On: Fri, Apr 6th, 2018

Liverpool ayaa ku guuleysan karta Champions League Sababtan Darteed.

06 Abriil 2018.

Liverpool ayaa Habeen hore wacdaro ku dhigtay Man City lugta hore ee wareega sideed dhammaadka Champions League ee lagu ciyaaray Anfield kaddib markii ay ku martay 3-0.

Falanqeeyaha ciyaaraha ee Craig Bellamy ee beri u safan jiray Liverpool ayaa aaminsan in Taageerayaasha waalan ee kooxdiisa hore darteed ay Reds ugu guuleysan karto tartanka Champions League.

Taageerayaasha Liverpool ayaa ah kuwa aan marna ka daalin dhiiro galinta kooxdooda waliba munaasabadaha waa wayn sida kulankii habeen hore iyagoo jah wareer ku riday xiddigaha Man City iyadoon xitaa garoonka la soo galin.

Waxay Miraayada ka jabiyeen baskii siday wiilasha Guardiola waxayna goobta oo dhan ka dhigeen qiic iyagoo tuuraya waxyaaba holca.

“Anfield waa arrin gaar ah, gaar ahaan Champions League,” Bellamy ayaa sidaa ka yiri dood ka socotay Ske Sports.

“Nasiib ayaan ku leenahay inaan soo gaarno heerarka dambe, marbaan gaarnay Final ka markii aan halkaa joogay.

Liverpool fans

“Taageerayaasha ayaa ku geyn kara Sideed dhammaadka, Afar dhammaadka ilaa Final ka.

“Waan xusuustaa Garoonka ayay xitaa ruxeen kulan Semi Finala League Cup ahaa.

“Innaba caadi ma ahan taageerayaasha. Way ogyihiin inay leeyihiin khibrada ay kooxdoodu ku baxnaaniyaan.

“Halkaa ayay joogaan kulanka inta uusan bilaaban oo la iskululeynayo, isla marka aad bannaanka u soo baxdo Garoonka wuuba buuxaa, Waaba diyaar iyaga.”.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved