Published On: Wed, Feb 7th, 2018

kulamkii Watford 4 – 1 Chelsea, xasuuq ayaa ka dhacay.

07 02 2018

Watford ayaa dhalisay seddex gool daqiiqadihi ugu dambeeyay ee dheesha  u badiso kulankiisa ugu horeya ee gurigooda Javi Gracia taasoo ka dhigeysa “habeen aan la ilaawi karin” tababareheeda, waxaana uu kordhiyay cadaadiska Chelsea ee Antonio Conte.

Blues ayaa saacad ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan ka dib markii casaankii Tiemoue Bakayoko 30kii daqiiqo ee uu ciyaaray, qaatay taasoo keentay inuu Afar fursadood ay  hesho Watford.

The Hornets – oo keliya hal jeer badisay 12kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League – ayaa hogaanka u qabatay iyadoo Gerard Deulofeu uu Qalad  Ku galaygoolhaye Thibaut Courtois, halka Troy Deeney uu shabaqa ku hubsaday gool ku laad loo dhigay.

Eden Hazard ayaa shabaqa ku hubsaday 25 yard kubad ka timid 82 daqiiqo laakiin waxaa la yaab laheyd in intaa kadib watford hesho 3 gool.

Olivier Giroud  ayaa Chelsea, kulankiisii ​​ugu horeeyay, u saftay isagoo badal ku yimid 64 daqiiqo conte ayaana adegsaday weerar faalso oo ahaa Eden Hazard.

Lakiin labo daqiiqo ka dib, Daryl Janmaat ayaa dhaliyay gool cajiib ah markii uu ka soo baxay garabka midig, waxaana uu la ciyaaray Roberto Pereyra, Waxaana uu garaacay laba daafac oo kale ka hor inta uusan gool ku dhalin cagtiisa bidix.

Deulofeu ayaa ku daray mid kale ka dibna Pereyra ayaa goolka afaraad u dhaliyay Abdoulaye Doucoure ayaana ka caawiyay.

Gracia, oo bedelay Marco Silva bishii hore, ayaa u sheegay BBC Sport: “Waxa ay aheyd guul weyn, kulan weyn, waan ku faraxsanahay ciyaartoydeyda maanta.

“Waxaan ciyaarnay kulan wanaagsan, lakiin kubada cagta waais bedal badantahay  laakiin waxaan qabaa inaan si fiican u ciyaarnay, Chelsea waa, Koox weyn.”

Waxa ay aheyd guuldaradii labaad oo isku xigta oo Chelsea  oo seddex gool looga dhaliyo Premier League, ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Bournemouth.

Watford ayaa lix dhibcood ka heshay 12 kulan tan iyo dabayaaqadii bishii November, Silva ayaa shaqadii ka bedelay Gracia, kaasoo guul darreysatay Southampton kulankii FA Cup, waxaana uu barbaro 0-0 ku soo galay Stoke kulankiisii ​​furitaanka ee labadii kulan ee furitaanka.

Xidiga garoonka Gerard Deulofeu (Watford).

Gerard Deulofeu ayaa sababay dhibaatooyin badan oo Chelsea ah – isagoo keenay rigoore  islamarkaana dhaliyay gool.

Waxa uu lahaa afar darbo waxaana uu sameeyay afar baas oo muhiim ah.

Maxaa u xiga kooxahan?

Watford ayaa booqan doonta West Ham sabtida (15:00 GMT), halka Chelsea ay ciyaari doonto Isniinta dambe- marka ay garoonkeeda kula ciyaaraan West Brom (20:00).

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved