Published On: Sat, May 28th, 2016

Kooxda Real Madrid ayaa markeedii 11-aad ku guuleysatey Champions League (5-4)…

 

29 Maajo 2016 

2-642448111314161718192022231

Kooxda Real Madrid ayaa markeedii 11-aad ku guuleysatey KHY kaddib goortii ay final-kii 2-aad kaga adkaatay kooxda ay deriska yihiin ee Atl. Madrid.

Real oo goolka ku hormartay waxaa daqiiqaddii 15-aad gool hobseed u ekaa u ansixiyey Sergio Ramos oo sidaa rikoodh cusub ku dhigay maaddaama uu noqday daaficii ugu horreeyey ee abid 2 gool ka dhaliya 2 final oo CL ah.

Atleti ayaa isla daqiiqaddii 48-aad ee bilowgii gelinkii labaadba ku sigatay inay soo qabato kooxda Real kaddib markii ay heshay gool rigoore ah, yeelkeede, waxaa goolkaasi ka khasaariyey Antoine Greismann.

Waxaase Roja Blancos daqiiqaddii 79-aad ka fujiyey laacibkaYannick Ferreira-Carrasco waxaana sidaa looga fursan waayey in waqti dheeri ah lagu daro.

Kooxda Atletico oo inta badan u muuqatey mid aad u firfircooneyd ayaase rigoore lagu dubtey kaddib markii 1-1 wax kale lagu dari waayey, iyadoo uu goolka ay ku guuldarreysteen uu ka cunay Juanfran oo woxoogaa deg degey, waxaana goolka guusha Real u dhaliyey jookarka CR7.

Real Madrid vs Atletico Madrid

1-1 (5-4) (kaddib waqtiga dheeriga ah)

Goolasha: Ramos 15 (RM), Carrasco 79 (AM)
 
Real Madrid: Navas; Carvajal (Danilo 52), Ramos, Pepe, Marcelo; Kroos (Isco 72), Modric, Casemiro; Bale, Benzema (Vazquez 77), Ronaldo
 
Atletico Madrid: Oblak; Juanfran, Godin, Savic, Filipe Luis (Hernandez 108); Saul, Gabi, Augusto (Carrasco 46), Koke (Partey 116); Torres, Griezmann
 
Garsoore: Clattenburg (ENG)
 
Gool ku laad la cunay: Griezmann 48 (AM)

bb2b4b6b9b10b11b12b13b14b17b18b19b20b23b24b26b27b29b30b31b32b34b35b36

b

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved