Published On: Thu, May 25th, 2017

Kooxda Man Utd oo hanatay koobka Europa League + Sawirro.

May 25  2017

Kooxda Manchester United ayaa 2-0 ku dibrisey kooxda Ajax oo ay la ciyaaraysay final-ka Europa League oo ku qabsoomay gegada Friends Arena ee Stockholm iyadoo sidaa ugusoo baxday Champions League.

Garoonka Friends Arena ee Stockholm, ayaa daqiiqad u aamusay qarixii Isniintii ka dhacay magaalada Manchester, waxaase murugadaas farxad ku dheehday guusha Man Utd oo ay labada gool u kala dhaliyeen laacibka ay qaaliga ku qabaan ee Paul Pogba iyo dhiggiisa khadka dhexe Henri Mikhataryan.

Man Utd ayaa kusoo biirtay 5-ta kooxood ee Yurub ee qaaday koob kasta oo la dhigo, iyadoo uu koobkani u harsanaa.

B b1 b3 b4 b5 b6Bb2 b3 b4B

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved