Published On: Mon, Jan 9th, 2017

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa barbaro 1-1 kala soo kulantay naadiga Villarreal.

 09 Janaayo 2017

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa barbaro 1-1 kala soo kulantay naadiga Villarreal oo ay booqatay kulan ku tirsan horyaalka La Ligaha Spain, waxaana kulankan Barcelona guuldarro ka badbaadiyey Messi.

Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Laakiin markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Barcelona ayaa goolka looga naxsaday, waxaana 50’daqiiqo ugu shubay Nicola Sansone, kaddib caawin uu ka helay Alexandre Pato, kulanka ayaana lagu hoggaamiyey Barca 1-0.

Dhammaadkii ciyaarta 90’daqiiqo Lionel Messi ayaa guuldarro ka badbaadiyey kooxdiisa Barcelona, waxaana uu kooxda Villarreal ka dhaliyey laad xor ah (free kick), kaasoo kulanka ka dhigay barbaro 1-1, sidaas ayeyna ciyaarta ugu soo dhammaatay gar isku mid ah.

Barcelona ayaa sidaas ku fadhisa kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka La Ligaha Spain, iyadoo leh 35-dhibcood, 17 kulan oo ay ciyaartay, waxaana ka sarreeya Real Madrid oo hoggaanka haysa iyo Sevilla oo ku jirta kaalinta labaad.

c1rdbvuxaaa75e0c1repm_xgaad0ewc1reqptwqae1wcqc1reqpzw8aae9xmc1rplf1xcaanyhc1rplf2weaulbvz

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved