Published On: Sun, Nov 13th, 2016

Kooxda Gobolka Awdal oo Hanatay Koobkii Tar-tanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland (Sawirro).

Axad, November 13, 2016

2

Tartankii Cayaaraha Gobollada ee Somaliland, ayaa lasoo gunaanaday, waxaana tartankan markii ugu horreysay ku Guulaystay gobolka Awdal  oo laba gool iyo hal gool kaga badiyey gobolka Saaxil.

Gunaanadkii tartanka waxa ka Qayb-galay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, Waxaana Koobka iyo bilado la guddoonsiiyay Cayaaryahannadii ku guulaystay mudaddii tartanku socday.

Cayaartan ayaa ahayd mid xamaasad gaara leh labada kooxoodna ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan oo Dadweynihii Daawanayey la dhaceen Hanaanka ay u wada ciyaareen labadaa xul, ayaa qaybtii horeba waxa laba gool dhalisay xulka gobolka Awdal, markiii laga soo laabtay qaybta nasashada ee hafkii hore layskuna soo noqday garoonka waxa gool la timid gobolka saaxil, inkasta oo gool ku laad ciyaarta dhexdeeda loo dhigay ay lumiyeen xulka gobolka saaxil, waxay ciyaartii noqotay Gari laba Nin kama Wada Qoslisee koobkii waxaa la caraabay guushuna raacday Xulkii ku ciyaaryay Gobolka Awdal.

Markii cayaartu dhamaatay Madaxweynuhu wuxuu abaal-marino kala duwan gudoonsiiyey ciyaar yahanadii ugu wanaagsanaa tartanku intii uu socday, iyo koobabkii kala duwanaa ee isugu jiray Orodada, Baaskidka oo iyana uu madaxweynuhu halkaasi ku gudoonsiiyey xulalkii ku guulaystay, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Wasaaradad Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey gabagabada tartanka Ciyaaraha Gobollada dalka waxaanu yidhi  “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo xubno wasiiro ah oo aan ka mid ahay ayaa daanayey oo ka qayb galay Gunnaanadka Tar-tanka ciyaaraha gobollada.”

“Tartanka cayaaraha Gobollada Somaliland, Xukuumad ahaan waxaanu saarnay xoog sidii ay u qabsoomi lahaayeen, waxaanu uga gol lahayn in aanu beerno jidh caafimaad qaba, in aanu dhiiri galino is dhexgalka, iyo isbarashada ciyaartoyga da’ yarta ah, in ciyaartoyga iyo dhalinyarada guud ahaan laga mashquuliyo balwada, tahriibka iyo wixii la mida ah,”  ayuu hadalkiisa raaciyey.

Taageerayaal aad u badan ayaa inay kooxahooda taageeraan uga yimid gobolka Awdal iyo Saaxil, waxaan noqday garoonku mid camiran, waxaana illaa xalay bandhigyo kala duwan ku samaynayeen Magaalada dhexdeeda cayaaryahanada & taageerayaasha gobolka Awdal, waxaanay maanta hadhimo sharafeed loogu sameeyey oo uu u habeen dhacay gobolka Gabiley oo soo dhoweyn u samaysay guusha gobolka Awdal, maadaama oo xulka Gobolka Gabiley ay tartanka ka saartay gobolka AWDAL ka dib markii ay soo gudbiyeen labadda kooxood ee koobka kala qaadayey, waxaana inay usoo gudubto gobolka Gabiley ciyaarta kama dambaysta ah waxa ka hor joogsatay gobolka Awdal oo ka badiyey, waxaanay ciyaartaasi ahayd mid xiiso badan, markii ay dhamaatayna si fiican iskugu hambalyeeyey.

 

 

 

 

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved