Published On: Sun, Mar 3rd, 2019

Kooxda Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Real Madrid.

 3 March 2019 

Kooxda Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Real Madrid kaddib markii ay kaga adkaadeen gool madi ah oo yimid qeebtii koowaad ee ciyaarta .

Qeebtii koowaad ee kuanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan , ciyaartoyda labada dhinac ayaana soo bandhigay kubad ay aad u jecleesteen taageerayaashii u soo daawasho tagay ciyaarta .

Barcelona ayaa la timid gool waxaana u dhaliyey xidigooda khadka dhexe ee Rakitic waxaana caawinta goolkaas lahaa dambeedka midig ee Sergio Roberto.

Real Madrid ayaa sameesay dadaalo farabadan si ay isaga soo aargudaan goolka deenta ah ee lagu leeyahay, balse uma suura galin in ay helaan goolkaa ciyaarta qeebteedii koowaad ayaana sidaa ku dhamaatay .

Nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta , dagaal labada koox ayaana halkaa ka sii bilowday .

Real Madrid ayaa heshay fursadihii ugu badnaa qeebtii dambe ee ciyaarta balse waxa ay ku dhibtoodeen in ay gool u badalaan walow Barcelona ay sameesay daafacasho qurux badan .

Guud ahaan ciyaartii xiisaha badneed ee Clasico ayaa ku dhamaaday 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Barcelona

Real Madrid ayaan marna ka badin Barcelona xagagan afar kulan oo ay kulmeen labo kulan oo horyaalka ah iyo labo is arag oo katirsana tartanka boqorka Spain .


About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved