Published On: Mon, May 22nd, 2017

Juventus oo qaaday Horyaalkii 6 aad ee Seria A oo Xiriir ah + Sawiro.

May 22 2017

Kooxda kubada Cagta Juventus ayaa Galabta qaaday Horyaalkii 6 aad ee Xiriir ah kadib markii ay 3-0 kaga badiyeen Naadiga Crotone,

Juventus ayaa Waxaa Goolasha u kala dhaliyey Xidigaha ah kala ah Paulo Dybala, Mario Mandzukic iyo alex Sandro Waxaana ay siweyn ugu Farxeen Taageerayaasha kooxdaas Guushii muhiimka ahayd ee ay ku qaadeen Horyaalkii 6 aad ee Xiriir ah.

Hal kulan oo kaliya ayaa ka dhiman Horyaalka dalka Talyaaniga waxaa kaloo Juventus ay horay u qaaday koobka Talyaaniga iyaga oo sidoo kale doonayaa in ay ku darsadaan koobka Horyaalada yurub oo ay Finalkiisa la dheeli doonaan Kooxda Real Madrid.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved