Published On: Tue, Jun 20th, 2017

Juventus oo iska fasaxday Dani Alves

20 06 2017

War Goordhow ka soo baxay xarunta Naadiga dalka Talyaaniga ee Juventus ayaa lagu Cadeeyey in Kooxdu iska fasaxday daafacii dalka Braziil ee Dani Alves kaas oo hal Xili Cayaareed oo kaliya la joogey.

Dani Alves ayaa lasheegay in uu kulan laqaatay Maamulka kooxda Juventus isniintii isla Markaana uu ka codsaday in layska fasaxo Codsigaas oo ay ka aqbaleen.

Cayaaryahanka dalka Braziil ayaa lasheegayaa in uu ka dheeli doono Horyaalka dalka England kadib markii uu heshiis Hoose lagaaray Naadiga Manchester City waxaana hada uu yahay mid aan kooxna ka tirsanayn oo lagu heli karayo heshiiska Xorta ah.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved