Published On: Thu, Nov 23rd, 2017

Juve iyo Barca oo waxba iska qaadi waayay +SAWIRRO.

23 11 2017

Kulankaan qaybtii hore labadaan koox fursado halis ah iskuma helin waxaana laga dareemi karay Barcelona maqnaan shaha Messi oo keedka fadhiyay qaybtii hore.

Dybala ayaa isku dayo kala duwan sameeyay balse isagana shabaqa Barca wuu gaari waayay waxaana la aaday qaybtii hore ayadoo labada naadi kubad mada daalo ku dheehan cayaarin.

Messi ayaa badal kusoo galay daqiiqadii 56-aad wuxuuna badalay Gerard Deulofeu oo aan kulankaan bandhig wacan ka sameynin.

Inta badan kulankaan waxaa kubad heesashada badneyd naadiga Barcelona balse midaas kama aysan faa’iideesanin sidoo kalena halis weyn lama galin daafacyada Juve.

Paulo Dybala ayaa dhamaadkii kulankaan helay fursad qaali ah balse wuxuu u maleeyay inuu kubadii dhaliyay nasiib daro banaanka ayay ka martay.

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay 0-0 taasi oo Barcelona ku xaqiijisay inay kaalinta 1-aad kaga soo baxday Guruub D ayagoo leh 11-dhibcood waxaana harsan hal kulan.

Juve waxay leedahay 8-dhibcood welina ma aysan soo bixin waayo naadiga Sporting Lisbon 3-1 ku dubatay Olympiacos waxayna leeyihiin 7-dhibcood.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved