Published On: Mon, Oct 22nd, 2018

Julen Lopetegui oo Habeen Dambe laga ceyrin doono Real Madrid haddii.

22 Okt 2018.

 

Julen Lopetegui ayaa laga ceyrin doonaa kooxda Real Madrid ka hor kulanka El Clasico ee usbuuca soo socda haddii ay guul darro ka soo gaarto  Viktoria Plzen.

Los Blancos ayaa habeen dambe la ciyaari doonta kooxda reer Czech, haddii laga adkaado ama xitaa ay bandhig liita la yimaadaan waxaa shaqada ku wayn doona Lopetegui.

Florentino Perez iyo maamulka sare ee kooxda Real Madrid ayaa go’aan ka gaaray mustqabalka macalinka reer Spain iyadoona la isku af gartay in la ceyrin doono haddii ay guul darro kale soo gaarto ama xitaa bandhig aan loo riyaaqin.

Tokeo la picha la Julen Lopetegui upset

Waxayna taa ka dhigan tahay in wadada kaliya uu Lopetegui ugu sii fadhin karo kursiga Bernabeu ka hor kulanka El Clasico ee usbuuca soo socda ay tahay inuu guul ka gaaro  Viktoria Plzen kulanka Champions League.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved