Jaaliyada Galmudug SWEDEN oo Qalab Isboorti u dirtay Kooxaha ka dhisan Magaalada Gaalkacyo






Khamiis .02. 2012 Xaflad si fiican loo soo agaasimay oo ka dhacday Juba Restrunte oo ku taalo Xaafada Husby ee Magaalada Stockholm,Xafladaas oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan oo ay ka kooban yihiin Jaaliyada Galmudug ee Sweden.
Hadab Jaaliyada ayaa qalab isboorti u dirtay kooxaha kubadda cagta ah oo ka jira gobolka Mudug, iyadoo qalabkaas loogu talogalay inay ku ciyaaraan kooxahaas.

Jaaliyada Galmudug ee Sweden waxay u taagan tahay dhiirrigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhinacyada nabada iyo isboortiga,Waxaa qalabkaas loo sii dhiibay Md: Gaduudow
Xaflada ayaa dadkii lagu marti qaaday waxaa kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka ,dhalinyarada ,Ganacsatada,Culumaaudiinka, Haweenka,oo kala ah:- 

1) Feysal Fuaad
2) C/qaadir Shire Galbeyti
3) Raage Meeryaa
4) Ibraahim Galbeyti
5) Jamac mahad
6) Cilmi Dagal
7) Cali Xeyd
8) Maxamed Salaad Dacar
9) C/Casiis Low
10) Maxamuud Axmed Kulani
11) C/qaadir Cabdi Cilmi
12) Saciid Axmed Cabdi
13) Xuseen Maxamed Cali
14) C/kaadir Warsame Wardheere
15) C/risaaq Axmed Mire
16) Muxuyadiin Maxamuud diini
17) C/nuur Quraan ka adag
18) C/fitaax khaliif Aadan
19) Maxamed Sheikh Saciid ( No 9 Galmudug)

Md: Gaduudow oo qalabkaasi la gudoonsiiyay si uu u qaado una gaarsiiyo Madaxda isboortiga Galmudug ayaa u mahad celiyay gudiga ugu deeqayqalabka Isboorti sidoo kale ku tilmaamay wax lagu farxo deeqdaas.
Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay oo Jaaliyada Galmudug ee magaalo Stockholm ay diraan deeq ceenkaan oo kale, hase ahaatee deeqdaan ayaa si aad ah waxaa ugu farxidoonaan markii loo geeyo Cayaartoyda Galmudug.
Sidoo kale, madaxa qeybaha kala duwan ee jaaliyada Galmudug Sweden waxay xuseen in jaaliyada Galmudug ee Gobolka Mudug ku qabanayso tartan isboorti oo ay ka qaybgalayaan 20-kooxood oo kuwa isboortiga ah, kuwaas oo 18 ka mid ah ay ku sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo
Hadaba si aan wax badan uga ogaano, ayaan waxan wareysi kula yeelanay Jaaliyada Galmudug Sweden oo dirtay mucaawinadaas, waxna ka waydiinay muhiimada tabarucida qalabka ay direen ay ula jeedaan.
Tallaabadan ay Jaaliyada Galmudug Sweden qaadeen ayaa waxay tahay mid ku dayasho mudan, waxaana hubanti ah in Isboortiga Soomaaliya uu u baahan yahay in la garab istaago, isla markaana loo fidiyo taageero qalab iyo mid dhaqaale.

Kooxaha loo qaybindoono qalabkaan isboorti ayaa waxay koox walba ka kooban tahay 12 ruux, iyadoo koox walba la siinaayo agab isbooti oo dhameystiran, sida ay sheegeen Jaaliyada Galmudug Sweden.
Jaaliyada Galmudug Sweden ayaa waxay mashaariic kala duwan ka fulisay gobolka Mudug qaarkood, iyadoo xoogga saarta waxbarashada, caafimaadka, isboortiga qaybihiisa iyo u gargaaridda dadka dhibaateysan.
Akhristayaasheena Cayaarahadunida.com qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii gaabnaa ee aan la yeelanay Jaaliyada Galmudug Sweden oo dadaalka ay Sameeyeen ay runtii tahay mid ku dayasho mudan. Waxaa jirtay maah maah reer Xamar ah oo lahayd “Quraansho aruurtay bulac waa jiidaa” taas micnaheedu wuxuu yahay hadii qof walbaa uu sida ay Jaaliyada Galmudug ku fikirtay Wax badan ayaa u hagaagi lahaa Bulshokasta .
Wabilaahi Towfiiq.
Waxaa diyaariyay Maxamed Mukhtaar Sheikh