Published On: Thu, Mar 16th, 2017

Issa Hayatou oo muddo badan kadib lagaga guuleestay tartankii madaxda Arfica ee CAF +Sawirro.

16 03 2017

Madaxwayniha xiriirka kubada cagta Madagascar Ahmad ayaa loo doortay hogaanka cusub ee Confederation of African Football Madaxweynaheeda,waxaana uu soo afjaray muudo ninkii heestay Issa Hayatou kaasi oo hayay xilkaasi 29-sano.

Ahmad ayaa ku badiyay 34 cod 54 Ta cod ee doorashada, taas oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Ethiopia.

Natiijadan ayaa waxa ay la micno tahay in isbeddel ku yimaado hoggaanka CAF markii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay ninkan reer Cameroon Hayatou oo xilkaasi qabtay sanadkii 1988.

57-sano jirkan ah,ayaa u sheegay BBC Sport ka dib guushiisa: “Waxaan ka hadli karo kaliya waqtigan waa hal wax oo keliya – Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa guushan , waxaan ugu mahad naqayaa kooxda i dooratay..

Sikastaba Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Liberia Musa Bility ayaa hadalkiisa raaciyay: “Africa waxaa ay qaadatay go’aan weyn Waxaana ay diyaar u yihiin isbedel.”

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved