Published On: Wed, Jan 24th, 2018

Isku aadka UEFA Nations League oo la soo saaray…(England, Spain iyo Croatia oo is wajahaya).

25 01 2018

 Waxaa la soo saaray isku aadka UEFA Nations League oo ah Horyaal cusub oo loo hirgaliyay wadamada Yurub.

Haddaba intaan kuu soo gudbin isku aadka, waxaa lagama maarmaan ah inaad ogaato waxa uu yahay UEFA Nations League, Miyuu saameyn ku leeyahay Euro 2020, sideesa loo ciyaarayaa.

Waa Maxay UEFA Nations League?

Waa koob caalami ah  oo looga gol leeyahay in lagu yareeyo kulamada faraha badan ee saaxiibtinimo oo aan lahayn micnaha badan isla markaana ay xiiso iyo tartan xoogan ku soo kordhiso qaarada, UEFA ayaana sheekadan qorsheynaysay tan iyo 2011.

Siduu u shaqeynayaa???

55-xul ayaa ka qeyb qaadan doona kuwaa oo loo qeybin doono 4-horyaal (A, B, C iyo D) oo lagu saleeyay darajadooda UEFA.

Afartaas Horyaal ee la sameeyay ayaa misane loo sii kala qeybin doonaa Group-yo badan oo midkiiba ku jiraa saddex ama afar xul.

Horyaal kasta markuu dhammaado, Afar kooxood ayaa la dalacsiin doonaa halka afar kalena hoos loo ridi doono taa oo micnaheedu yahay inaysan ka soo qeyb gali doonin marka xiga ee tartankan la ciyaari doono.

Xulalka kaalimaha koowaad uga soo baxa Group-yada Afarta horyaal ee loo kala qaaday (A, B, C iyo D) ayaa qoorta la isku galin doonaa, waxaana jiri doona hal kulan oo Semi Final ah , dabadeedna Final ka ayaa la ciyaarayaa.

Ku guuleystaha Koobka ayaa lagu magacaabi doonaa Nations League champion.

UEFA Nations League miyuu saameyn ku leeyahay Euro 2020?

Teams will now be able to qualify for European tournament via the Nations League too 

Wax isbadel ah kama jiri doono isreeb reebka koobka Euro, balse waxaa isbadel ka jiri doonaa kulamada play-offs oo waxaa saameyn doona Horyaalkan cusub ee UEFA Nations League.

Sidaan horey u soo xusnay UEFA Nations League ayaa loo kala qaaday 4-horyaal, xulalka kaalimaha koowaad uga soo baxa Group-yada horyaalkooda ayaa afar boos si toos ah ugu lahaan doona play-off ka Euro.

Haddii uu xul si toos ah ugu soo boxo Euro oo uusan u baahnaan play-off balse uu booskaasi xaq u lahaa maadaama uu kaalinta koowaad ugu soo baxay Group-kiisa UEFA Nations League, waxaa booskiisa ku soo baxaya xulka ku soo xiga oo ciyaari doona play-offs waa haddii uu qudhiisa ku soo bixin isreeb reebka tooska ah.

Isku aadka HORYAALADA ayaa sidan loo sameeyay:

LEAGUE A

Group A1: Holland, France, Germany

Group A2: Iceland, Switzerland, Belgium

Group A3: Poland, Italy, Portugal

Group A4: Croatia, England, Spain

LEAGUE B

Group B1: Czech Republic, Ukraine, Slovakia

Group B2: Turkey, Sweden, Russia

Group B3: Northern Ireland, Bosnia and Herzegovina, Austria

Group B4: Denmark, Republic of Ireland, Wales

LEAGUE C

Group C1: Israel, Albania, Scotland

Group C2: Estonia, Finland, Greece, Hungary

Group C3: Cyprus, Bulgaria, Norway, Slovenia

Group C4: Lithuania, Montenegro, Serbia, Romania

GROUP D

Group D1: Andorra, Kazakhstan, Latvia, Georgia

Group D2: San Marino, Moldova, Luxembourg, Belarus

Group D3: Kosovo, Malta, Faroe Islands, Azerbaijan

Group D4: Gibraltar, Liechtenstein, Armenia, Macedonia

Goorma ayaa la ciyaari doonaa:

Kulamada Koowaad: September 6-9, 2018

Kulamada Labaad: September 9-11, 2018

Kulamada Saddexaad: October 11-13, 2018

Kulamada Afaraad: October 14-16, 2018

Kulamada Shanaad: November 15-17, 2018

Kulamada Lixaad: November 18-20, 2018

Finals: June 5-9, 2019.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved