Published On: Mon, Dec 14th, 2015

Isku Aadka Champions League Oo La Sameeyay Iyo Kooxo Waa Weyn Oo Isku Dhacay (Daawo Sawirada).

14 12 2015

_2Xiriirka Kubada Cagta Qaarada Yurub ayaa goordhaw sameeyay isku aadka 16 ka koox ee isugu soo haray tartanka horyaalada yurub ee Champions league , waxaana isku aadka la sameeyay ay qoorta isku galiyeen kooxo waa weyn .

Magaalada Nyon ee xarunta Kubada Cagta kuna taala dalka Switzerland, ayaa lagu qabtay goordhaw isku aadka Kooxaha isugu soo haray Champions league, kooxo badan ayaana ku farxin isku aadka maadama kooxo waa weyn lagu aadiyay.

Kooxda Kubada Cagta Arsenal ayaa ka niyad jabtay isku aadka goordhaw la sameeyay kadib markii lagu aadiyay kooxda heesata Horyaalka Yurub ee Barcelona, Kooxda Chelsea ayaa iyana lagu aadiyay kooxda aan dabka yar shideyn ee PSG.

Halkan ka Aqriso sida ay isugu aadeen 16-ka kooxood ee isugu soo haray Champions league 

Gent v Wolfsburg

AS Roma v Real Madrid

PSG v Chelsea

Arsenal v Barcelona

Juventus v Bayern Munich

PSV v Atletico Madrid

Benfica v Zenit

Dynamo Kyiv v Manchester City

 

 

 

 

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved