Published On: Thu, Oct 18th, 2018

Hazard oo isticmaalaya TAAK-TIKADII Cristiano Ronaldo si uu ugu biiro Real Madrid.

18 Okt 2018. 

Daaficii hore ee Manchester United Wes Brown ayaa ka dhawaajiyay in Eden Hazard uu isticmaalayo qorshihii Cristiano Ronaldo si uu ugu biiro kooxda Real Madrid

Brown ayaa sheegay in xaalada Hazard iyo Ronaldo markii uu 2009 ku biirayay Real Madrid ay isku mid tahay.

Laacibka reer Belgium ayaa si aan gambasho lahayn u sheegay inuu ku riyoodo u ciyaarista Camaaliqada reer Spain si la mid ah xiddiga reer Portugal berigii uu ku biirayay Real Madrid.

“Ma ogtahay, waa isku xaalad Hazard iyo Ronaldo markii uu joogay Man United,” Brown ayaa sidaa u sheegay Express Sport.

Cristiano Ronaldo, Wes Brown

“Labada laacib ayaa qolka dharbadelashada isaga mid ah marka aad waydiiso kooxda uu doorbidayo, waxay leeyihiin had iyo jeer waxaan ku riyoodaa inaan u ciyaaro Real Madrid.

“Hazard been ma sheegin, wuxuu sameynayaa tan ugu fiican uu awoodo waa riyada caruurnimadiisa, waa mid la mid ah tii Ronaldo.

“Waxaad waydiineysaa ciyaaryahan ama taageere Man United ah, haddii uu Ronaldo xushmad darreeyay kooxda, waxay ku leeyihiin ‘Gabi ahaan Maya, waa mid ka mid ah riyooyinkiisa.”.

Inkastoo Hazard caddeeyay inuu ku riyoodo u ciyaarista Real Madrid misane wuxuu sheegay inuusan Janaayo kooxda ka tagi doonin iyadoo ay xitaa suuro gal tahay in laga saxiixo heshiis qaali ah.

About the Author

-

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved