Published On: Wed, Apr 22nd, 2015

Halyeey Zidane Oo Xaqiijiyay In Real Madrid Ay Isha Ku Heyso Xaalada Raheem Sterling .

Sterling122 04 2015

Halyeeygii hore kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisii hore ay isha ku heyso xaalada da’yarka Liverpool Raheem Sterling.

Sterling ayaa diidan inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Liverpool dhawaan isagoo sidoo kale diiday heshiis 100,000 kun Pound waxaana la rumeysan yahay inuu xidigaan doonayo hawo badalasho.

Zidane oo ah macalinka kooxda da’yarta Real Madrid ee Castilla ayaa ka dhawaajiyay in Sterling uu ka mid yahay da’yarta ugu fiican yurub waqtigaan isla markaana ay Madrid indhaha ku heyso.

“Waan ognahay waxa uu yahay Sterling, dabcan waxaan indhaha ugu heynaa sida ciyaartoyda kale” Ayuu yiri Zidane.

Si kastaba Zidane ayaa u arka Sterling inuu yahay xidig hormarin kara kooxda Real Madrid wuxuuna qiray inuu la mid yahay da’yarta haatan kooxda joogta sida Varane iyo Bale.

Dhanka kale hadalka Zidane ayaa dhibaato ku ah kooxda Liverpool madama ay dooneyso iney xidigaan ku qalqaaliso joogitaanka Anfield Road.

Ugu dambeyntii Raheem Sterling ayaa doonaya inuu go’aan qaato dhamaadka xagaagan, waxaana dadka qaar ay aaminsan yahiin inuu ka warsugayo halka ay Liverpool ku dhameysan doonto kala sareynta horyaalka.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Cayaaraha dunida. All Rights Reserved